Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
307

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray oo khasaaro dhaliyay uu ka dhacay inta u dhacxeysa Isgoosyada KPP iyo Shaqaalaha ee Degmada Hodan.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxan ayaa mid gaari loogu soo xiray nin la sheegay in uu katirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka , waxaana qaraxa ruuxaasi kasoo gaaray Dhaawac culus.

Image result for qarax

Masuul katirsan maamulka Degmada Hodan ayaa noo sheegay in qaraxa lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah, waxa uuna tilmaamay in ruuxii gaarigaasi watay uu ka go’ay mid kamid ah lugihiisa isaga oo dhaawac ahna loo qaaday Isbitaal.

Qaraxyada gaadiidka la isugu xiro ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana inta badan qaraxyadan gaadiidka loogu xiraa shaqaalaha Dowlada iyo Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here