Qarax Gaadhi oo maanta ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka

0
154

Wararka ka imaanaya magaalada Berlin ee dalka Jarmalka , ayaa sheegaya in qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay magaalada Berlin.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa qofkii waday gaariga qarxay ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana gaariga la sheegay in uu ku qarxay degmada Charlottenburg, xili uu kusii jeeday bartamaha magaalada Berlin.

Ciidamada amaanka dalka Garmalka ayaa gabi ahaan xiray halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana dadka lagu amrayay in ay ka fogaadaan halka qaraxu ka dhacay ayna ku ekaadana guryahooda inta xaalada laga xaqiininayo.

Wali lama shaacin waxa uu ahaa gaarigan qarxay iyo ninka dhintay waxa uu ahaa, waxaana jirta cabsi laga qabo in qaraxan uu ahaa mid argagaxiso oo la doonayay in laga fuliyo baratamaha magaalada Berlin.

Ciidamada amaanka dalka Jarmalka ayaa heegan la galiyay iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan qaraxyo ama weeraro kale , waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo waxa uu ahaa qaraxan maanta dalkaasi ak dhacay.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here