Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay Xadgudubyadii ka dhacay Koonfurta Sudan

0
165

Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Qramada Midoobeey ayaa sheegay in Dowlada South Sudan, ay ku kacday Falal xadgudub ah oo isugu jira dilal, kufsi iyo bililqeysiga shacabka, xilli ay dagaallo kula jirto mucaaradkeeda.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in carruur iyo dad curyaan ah nolosha lagu gubay, maleeshiyaadka taabacsan dowladana waxaa loo fasaxay in ay kufsdaan haweenka meeshii mushaar laga siin lahaa Koofurta Sudan.

Warbixin cusub oo maanta oo Jimce ah la soo saaray ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha ay geysteen gabbood fallo darran oo ka dhan ah shacabka, waxaase midda ugu darran ay geystay dowladda, intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah mucaaradka sanadkii tagay ee 2015.

Waxay intaa ku dareen in kumannaan qof la dilay, iyo in hanaan ahaan kufsiga loo adeegsado sida hubka dagaalka oo kale.

Warbixinta Qaramada Midoobeey waxa ay shaaca ka qaaday in kiisaska qaar taageerayaasha dowladda loogu ogolaaday inay dumarka iyo gabdhaha kufsadaan.

Waxa ay war bixinta intaa raacisay in ficilada noocaas ah lacag lagu siiyay dadka sameeyay.

Inkabadan 1300 oo kufsi ah ayaa laga diiwaangeliyay gobolo kamid ah wadanka Koofurta Sudan shantii bilood ee ugu dambeysay sanadkii hore ayaa warbixinta lagu sheegay.

Haweeney ayaa u sheegtay baarayaasha Qaramada Midoobay in shan askari ay ku hor kufsadeen carruurteeda magaalada ay degeneyd, kadibna ciidamo kale ay kufsadeen meel keyn ah.

Baarayaal ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in ay haleen qalfoofka dadkaasi ay dawladdu dishay bishii October ee sanadkii la soo dhaafay.

Ugu danbeyntii, Qaraabada dadkaasi la dilay ayaa hay’adda u sheegay inay isugu jireen ganacsato iyo ardo oo aanay ku lug lahayn dagaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here