Qabyaaladii Oo Booqasho Ku Timid Madaxtooyada Somaliland : By Faisal Farafidiye

0
183

Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta xorta ah iyo akhristayaasha sharafta leh waxaanaan ku salaamayaa salaanta Islamka ee ASALAMU CALAYKUM.Waxaa booqasho aan hore loo sii cayimin ku timid Madaxtooyada Somaliland qabyaaladii oo cumaamdan,imaashiyeheedaas oo aan dadwaynhu ka war qabin oo lagu war helay soo dhawaynteedii,
Qabyaaladu waxa ka mid tahay HAYADAHA DADBAN ee wada shaqaynta fiicani ka dhaxayso Xukumadeen haddaba HAYADAHA DADBAN oo kala ah.

 

1. DANTA GAARKA AH
2. MUSUQMAASAQA
3. QABYAALADA
4. CADAALAD DARADA
5.CABUDHINTA
6. EEXDA
7. XADHIGA

Soodhawynatii qabyaalada;

Dadwaynaha ku nool caasimada Somaliland ayaa waxay ku murmayeen tolow ma madaxwaynihii Maraykanka baa yimid hargaysa mise waaba la ina ictraafay ka dib markii ay arkeen soodhawantan heerka sare ee aan hore uga dhicin qasiriga Madaxtooyada Somaliland ee lagu soo dhawaynayo qabyaaladii oo dhar soo xidhatay, soodhawayntaa oo ay safaf dhaadheer u galeen Wasiirada xilka ku helay qabyaalada, xildhiibaanada quuta qabyaalada, madax dhaqameedka sida khaldan ugu adeegta qabyaalad iyo Ururada haweenka oo halkaas aan laga filaynin laakin markii laga daba tegay la ogaaday in loogu sheegay inay soo dhawaynayaan wefti heer sare ah oo Chinese ah markay ogaadeena xalkoodo noqday meel aan ka noqodo ma joogo,
Soo dhawayntaa heerka sare ah ka bacdii waxaa loo dareeray HADHIMO SHARAFEED LOOGU TALAGAY QABYAALADA. intaa ka bacdi waxaa la gudo galay hawlihii shaqo iyo shirarkii labada dhinac u yaalay.
Waxaa shir fool ka fool ah isku soo hor fadhiistay labada dhic ee Xukumad Somaliland iyo Qabyaaladii, shirkaas oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin saxaafadan aan loo ogalayn inay 5km u soo jirsato qasriga Madaxtooyada.

Badheedhihii Madaxwaynaha;

Waxaa shirka laba geesoodka ah qudbad sacab badani u dhacay ku furay Madaxwaynaha mudane Axmed maxamed Maxamuud oo ku hadlay afka xukumada waxaanu ku bilaabay.
Waxaynu maanta halkan ku soo dhawaynaynaa HAYAD ka mid ah HAYADAHA DADBAN ee wada shaqaynta fiicani inaga dhaxayso, xukumadan aan hogaaminayo wax badan bay dalkan iyo dadkaba u qabatay waxaan xilka la igu dhiibay inaan wax u qabto qaybaha bulshada oo dhan oo ay ku jiraan HAYADAHA DADBANI.
Hayadan qabyaalada waxaanu gaadhsiinay heer aanay gaadhin weligeed gaadhina doonin, wax qabadkaas waxaa ka mid ah

1. Golaha Wasirada waxaa lagu soo xulaa halkay ka soo jeedan
2. Shaqaalaha waxaa lagu qoraa halkay ka soo jeedan
3. Qandaraasyada waxaa lagu bixiyaa halkay ka soo jeedan
4. shir beeleedkii ugu badnaa baa qabsoomay intii aan xilkan hayay
5. Salaadinta, boqorada,ugaasyada, iyo cuqaasha aanu samaynay way ku saddex laabmaan intii hore, oo waxaa u danbeeyay suldaanka duur joogta ee aanu magacawnay dhawaan markii aanu dhamaynay beelihii oo dhan ka cayayaankuna wuu ku xigaa.
6. Waxaan xukumadayda ka safeeyay wasiradii ka soo horjeeday hayadan [ qabyaalda ]
7. Waxaanu liciifinay saaxadan ka saarnay Xisbiyadii loogu tala galay in lagaga maarmo qabyaalada
8. Waxaan la dagaalanay Dimuraadiyad iyo in doorashooyin dhacaan oo laga guuro qabyaalada
9. Markaanu aniga iyo weftiga ila socdaa Magaalada Burco booqashada ku tagno habeenka kuma gamo aqalka martida ee galbeedka ku yaala ee Hotel Plaza baan seexdaa. socdaalkaygan u danbeeyayna maan seexan Magaalada Borame oo ka mid ah saddexda magaallo ee dalka ugu waawayin ee waxaan ka door biday Wajaale.
10. Hayadani waxay kamid tahay hayadah ugu muhiimsan dalka arimahaas oo dhamina waxay ka mid yihiin wax qabadka xukumadni u qabatay hayadan
[ qabyaalada] waxaanay gaadhay heer aanay taarikhdeeda gaadhin ay Madaxwaynuhu ku soo afjaray khudbadiisii .

Garnaqsigii qabyaalda;

Markii hadalku ka soo dhamaaday Xukumada waxaa u wasir xirsi hadalka siiyay qabyaaladii oo aad iyo aad ugu faraxsan qudbadii madaxwaynaha waxanay hadalka ku bilawday sidan;

Salaan ka bacdii waxaan kaga mahad celinayaa soo dhawayntan adiga iyo xubnaha kale ee goobtan fadhiya oo aan odhan karo maanta looma kala hadhin, qasrigan madaxtooyadu ma ah mid aan marti ku ahay ee maalin baynu soo wada galnay oo waynakii wada soconay, run ahaantii wax qabadkaagu waa mid muuqda oo dadwaynaha reer Somaliland way qirsanyihiin oo waad aragtay dadwaynaha isu soo baxa soo dhawayntaada taas oo aan qayb libaax ka qaato soo dhawayntaada meel kasta oo aad socdaal ku marayso. ee waxaan aaminsanahay inaanad dhamays tirin balanqaadkii aad noo balanqaaday xiligii tartanka doorashada aad ku jirtay,
run ahaantii waad ogayd oo qayb libaax baanu ka qaadanay sidii aad kursiga ku fadhiisan lahayd haddii ay tahay dhinac dhaqaale iyo dhinac codba.
Waxaanu tabanaynaa arimahan inaad wax ka qabatid.

1. Sidii xisbiyada qaran loo tirtir lahaa
2. inaanay dalkan doorashooyin ka dhicin ee shir beeleed dib loogu noqdo
3. in maxkamad la soo taago kuwa yidhaahda qabil iyo qaran meel ma wada galaan
4. inay qabyaaldu noqto mudnaanshah kowaad ee dalka halka iminka ay Danta gaarka ah iyo Musuqmaasuqu iga horeeyaan
5. in miisaaniyada ku baxda qabyaalada la kordhiyo oo lala simo miisanyiada danta gaarka ah
6.in ciidan gaar ah naloo sameeyo.
7. in naloo magacaabo Suldanka khayradka, Garadka ilaha dhaqaale, iyo ugaaska wasiirada, raga xilkaas qabanayan waa saddexda wasiir ee aynu isla garanay.
ka dib markii labad dhinac is dhaafsadeen war bixinihii iyo tabashooyinka waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo war bixiyay sida uu shirku ku dhamaaday,

War saxaafadeedkii ka soo baxay shirka;

Ka bacdii markii shirkaasi dhamaaday waxaa warbaahint aan madaxbanaanayn la hadlay afhayeenka madaxtooyada isaga oo ka waramaya gebogebadii shir iyo sidii labada dhinac isugu afgarteen waxaanu ku bilaabay sidan;
Waan mahdsantihiin bahdina saxaafada ee aan madaxbanaanayn sidaydun daacada ugu tihiin xukumada shir aad iyo aad uqimo badan baa maanta ka dhacay qasrigan dalka looga taliyo shirkaas oo ay ku kulmeen xukumada uu horkacayo madaxwayne Axmed silaanyo iyo hayada qabyaalad oo ah hayadah dalka ugu muhiimsan dood dheer iyo falanqayn ka bacdi waa la isku afgartay dhamaan arimahii laga wada hadalay madaxwaynuhuna wuxuu balan qaaday inuu fulin doona codsiyadii hayadaasi soo gudbisay, ugu danbayntina waxaa madaxwaynaha la gudoonsiyay shahaado sharafta kowaad sida uu daacada ugu yahay hayadaas.
waxaan odhan karaa waa guul wayn oo maanta Qarankan u soo hoyatay.

Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan leeyahay maqaalkani waxa uu ka tarjumayaa dareenka shacabwaynaha reer somaliland.

LA SOCO QAYBAHA KAE EE QORAALKAN

ALLA MAHAD LEH NINKII AAMINA AWOOD LEH

Waddaniga dhabta ah

Faisal Farfidiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here