Puntland oo wali wada dhismaha Maxjarka uu ka dhashay dagaalka Gaalkacyo

0
226

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay wali wadaan dhismaha Maxjarka xoolaha oo ah halka uu ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Puntland.

Maamulka Glamudug ayaa kasoo horjeeda dhismaha maxjarkaasi , waxa ayna Puntland dhankeeda ku adkeesaneysa in ay dhisayaan Maxjarkaasi xoolaha, waxaana khilaafkan ka dhashay dagaal xoogan oo labada dhinac u dhaxeeya.

 

Masuuliyiin katirsan maamulka Galkacyo ee Puntland ayaa gaaray halka ay kasocoto dhismaha Maxjarka, waxa ayna masuuliyiintaasi sheegeen in ay wadayaan dhismaha maxjarkaasi dagaal kasta oo dhaca.

 

Dagala xoogan oo dhaliyay qasaaro kala duwan ayaa shalay mar kale ka dhacay magaalada Gaalkacyo , waxaana wali taagan xiisada u dhaxeeysa labada ciidan ee maamulka Galmudug iyo Puntland, waxaana wali jiidaha hore ee dagaalka gaaraya gurmadyo xoogan.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ah mid degan, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in mar kale ay dhacaan dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland oo wali isku hor fadhiyay goobihii ay ku dagaalameen.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here