Puntland oo soo bandhigtay Meydadka Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab

0
185

Ciidamada maamulka Puntland ayaa inta badan soo afjaray Dagaalka lagula jiro Xoogaga Alshabaab ee ka socday deegaano hoostaga maamulka.

Saraakiisha Ciidamada maamulka ayaa sheegay in Dagaalka ay ku dileen Dagaalyahaano badan oo ay sheegen inay kusoo duuleen deegaanada maamulka, waxa ayna Saraakiishu tilmaamen Dagaalka uu ahaa mid ay ku jabiyeen Alshabaab islamarkaana ay ka gaaren guul.

 
Muxiyadiin Axmed Muuse oo kamid ah Saraakiisha hogaamineysay Ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab laga dilay 65 nin, dhaawaca iyo maxaabiista laga hayana ka kooban yihiin 30 nin, dhanka ciidamada maamulkana ayuu tilmaamay in laga dilay 3 askari, sadex kalana laga dhaawacay.

Muxiyadiin Axmed Muuse, waxa uu sheegay in Saxaafada ay indhahooda kusoo arkeen Meydadka Alshabaab, waxa uuna sheegay in Puntland aysan mar waliba qarin doonin jabka ay gaarsiiso xoogaga Alshabaab.

Waxa uu sheegay in isla maanta maxaabiista la qabtay ay u wareejiyeen Deegaanka Garacd,isaga oo sheegay in maxaabiistaasi ay dhanyihiin ilaa 30 kuwaasi oo Ciidamada isku soo dhiibay.








LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here