Prof. Max’ed Cismaan Jawaari Oo Ku Guulaystay Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya

0
296

Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta dooranayay Gudoomiyaha Baralamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku tartamayeen ilaa Afar Musharax.

Natiijada sawirka Prof. Max’ed Cismaan Jawaari
Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa xaadir ahaa oo codkooda dhiibanayay Xildhibaano gaaraya 259-Xildhibaan , waxaana codadkii la dhiibtay xumaaday kaliya 2-cod sida ay sheegeen Guddiga qaban qaabada Doorashada.

Shir Gudoonka KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa shaaciyay Natiijada Doorashada, waxa uuna sheegay in Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo helay 141-cod uu ku guuleestay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa Codadka u kala helay sida tan


1-Prof. Max’ed Cismaan Jawaari 141-Cod

2-C/rashiid Max’ed Xidig 97-cod

3-C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geesey) 17-cod

4-Idiris Aadan Dhakhtar 2-cod

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here