Ololaha Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Jabuuti Oo Si Rasmi Ah Loo Bilaabay.

0
161

Ololaha Tartanka doorashada Madaxweynaha Jabuuti ayaa shalay si rasmi ah uga bilowday magaalooyinka dalkaas, iyadoo illaa lix musharax ay ku loolamayaan doorashada Madaxtinimada.

Doorashada oo dhici doonta 8 April ee bisha soo socota ayaa sanadkan 2016 uu yahay sanad si aad ah isha loogu haayo doorashooyinka Jabuuti.

Xisbiga talada haya ee UMP ayaa waxaa Musharax u ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo rajo ka qaba in mar kale loo doorto xilka Madaxtinimada dalkiisa.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay boqolaal taageerayaashiisa kula hadlayay Gobolka Dikhil ayaa balan qaaday hadii dib loo doorto in dalka uu ku hogaamin doono, barwaaqo, horumar iyo cadaalad.

Mr Geelle ayaa la filayaa inuu tago magaalooyinka dalka Jabuuti, si uu u xoojiyo ololihiisa doorashada, waxaana la saadaalinayaa in mar kale dib loo dooran doono.

Sidoo kale Musharaxiinta kale ee la loolamaya Madaxweyne Geelle ayaa kala ah Jaamac C/raxmaan jaamac, Xasan Idris Axmed, Maxamed Daa’ud Shixin, Maxamed Muuse Ali, Cumar Cilmi Kheyre.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here