Nuxurka Munaasibad Isbahaysiga Kulmiye Uga Socota Hotelka Crown Ee Hargeysa+Sawirro

0
126

Hargeysa(SDN) Munaasibad balaadhan oo ay leeyihiin musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye ayaa ka bilaamaysa hotelka Crown ee magaalada Hargeysa. Munaasibadda oo  ah mid qado sharaf ah ayaa lagu sharxay boodhadh muujinaya ujeedka munaasibadda oo lagu durayo madaxtooyada iyo hogaanka Kulmiye.

 

Musharaxiinta qado sharaftan leh ayaa kala ah musharax Cabdicasiis Samaale, Musharax xildhibaan Kijaandhe iyo musharax Maxamed Biixi Yoonis, kuwaasi oo u ordaya musharaxnimada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye. Waxaa madasha ku sugan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee iscasilay.

 

Munaasibada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweyne Siilaanyo xalay khilaafka Kulmiye u magacaabay guddi ka madax banaan labada dhinac ee isku haya Kulmiye.

 

 

Kala Soco Wararka Danbe Iyagoo Faahfaahsan Shabakada Suradnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here