Nin u dhashay dalka India oo sameeyay gaadhi ku shaqeynaaya cadceeda

0
151

Ninkaani oo lagu magacaabo Syed Sajjan Ahmed kana soo jeeda dalka India ayaa ku guuleystay sameynta gaadhi ku shaqeynaaya cadceeda.

Syed Sajjan waxa uu in mudo ah ku howlanaa hirgalinta gaari ay adeegsan karaan dadka faqiirka ah, kaasi oo aan u baahneyn in lagu shubo shidaal, waxa uuna sheegay in gaarigaasi uu awood u leeyahay inuu jaro masaafo dhan 3000 oo kilomitir.

Syed Sajjan oo tijaabinaaya gaariga ayaa waxa uu jaray 3000 oo kilomitir isaga oo u kala gooshay magaalooyinka Delhi iyo Banglore.

Syed Sajjan yaraantiisa ma uusan ku wanaagsaneyn barashada cilmiga waxa uuna ku dhacay Dugsiga dhexe, isaga oo taasi ka doorbiday inuu ku biiro dadka wax soo saarka ku wanaagsan.

Syed Sajjan Markuu 52-jir ahaa, wuxuu habeeyey gaari laba lugood ah oo danab ku shaqeynaya isaga oo waxyar kadib ku badalay saddex lugood.

Syed Sajjan ayaa hadda magac ku dhex leh dalka India waxaana safaf dhaadheer ugu jira shirkadaha soo saara gaadiidka kuwaasi oo tartan ugu jira helista khibrada Syed Sajjan.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here