Nin Soomaali ah oo Mindi ku weeraray safaarada Maraykanka ee Nairobi oo toogasho lagu dilay

0
197

Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay nin weerar ku soo qaaday sarkaal ka tirsan booliska oo taagnaa albaabka safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi.

Ninkan ayaa loo malaynaa in ujeedadiisu aheyd inuu galo gudaha safaarada Maraykanka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in sarkaalka la weeraray uu ilaalo ka hayay mid ka mid ah iridaha safaaradda markii ninka weerarka soo qaadaytooreey gacanta uga dhuftay.

 

Ninka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Soomaalida Kenya, wuxuuna degaan ahaan ka soo jeedaa degaanka Wajeer.

Sababta ka dambaysay weerarkan wali ma cadda hase ahaatee masuuliyiinta safaarada Maraykanka ayaa sheegay iney waxyeelo soo gaarin shaqaalahooda ayna wadaan baaritaan ku saabsan waxaa uu ahaa ninkan weerarka soo qaaday ee la toogtay.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here