Nin Somaliya oo xaaskiisii oo lix caruura u dhashay ku Khaarajiyey Norway

0
212

Booliayaa waxay xabsiga u taxaabeen muwaadin Somaliyeed oo 41 sano jir ah, oo galabta xaaskiisii ku dilay dalkaasi.

police

Ninkaan, ayaa hay’adaha ammaanka Norway ku wargeliyay inuu xaaskiisii ku dilay Degmada Midhordland ee Magaalada Hordaland, gaar ahaan xaafada Askøy.

Hay’adaha ammaanka oo durbaba ku dhaqaaqay hoygoodii, ayaa waxay ka heleen meydka haweeneydaasi, oo lagu dhex riday Boorso ama Shandad, deetana la saaray qaybta dambe ee gaadhiga.

Hoygii ay lamaanahaan ay ka deganaayeen xaafada Askøy, ayaa albaabada loo laabay, ilaa iyo inta ay ka soconeyso baadhitaanada la xidhiidha dilka haweeneydaasi.

Sarkaal u hadlay Booliska Norway oo lagu magacaabo Morten Kronen, ayaa sheegay inaanu kala cadayn waxa dhabta ah ee keenay dilka haweeneydaasi, laakiin wuxuu xusay inay wadaan baahditaano ku aadan.
Morten Kronen ma sheegin magacyada sayga iyo afadiisii, sababo ku aadan baadhitaanka oo bilow ah, isla-markaana aan weli la soo gabagabeyn.

Gudoomiyaha xaafada Askøy, Siv Høgtun waxa uu xaqiijiyay in Dawladda Norway ay la wareegtay lix caruur ah, oo lamaanahaasi Somaliyeed ay isku dhaleen, si loo xanaaneeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here