Nin Siiriyaan maalmo ka hor ay qabteen Booliska Jarmalka oo isku dhex dilay xabsiga

0
126

Waxaa xabsiga isku dal-dalay Nin Siiriyaan ah oo ah oo maalmo ka hor ay qabteen booliska Jarmalka ka dib markii markii gurigiisa laga helay waxyaabaha qarxa.

Jaber Al-bakr oo 22 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerarro bambaano inuu ka geysto bariga magaalada Leipzig ee dalkaas, balse booliska ayaa gacanta ku dhigay.

Ninkan ayaa inta uusan is dilin ka hor cuntada maalmo ka soonaa, waxaana loo baahnaa in si dhow arrimihiisa ay ula socdaan booliska iyo maamulka xabsigaasi, sidaasi darteedna waxaa la sheegayaa in ay wajihi doonaan Su’aalo la weydiin doono.

 

Waxaa jiray dhaleecayn loo soo jeedinayay booliska ka dib markii dhowr jeer uu gurigiisa ka baxsaday, iyagoo doonayay inay qabtaan todobaadkii hore, waxaana la qabtay labo maalmood ka dib, taasoo ay suurta galiyeen Suuriyanka kale oo booliska gacanta u galiyay.

Al-bakr ayaa yimid Jarmalka sanadkii hore, booliskana waxay todobaadkii hore arkeen inuu haysto walxaha laga sameeyo qaraxyada.

 

Dhimashadiisa deg deg ah ayaan u wanaagsaneyn Booliska , waxayna xaaladda ka dhigaysaa mid cakiran, maadaama aan la ogaan Karin wixii uu qorsheynayay iyo ciddi la shaqeynaysay intaba.

Sida uu qoray Wargeyska Süddeutsche Zeitung ee ka soo abxa dalka Jarmalka, waxa ninkaani xiriir la lalahaa ururka Daacish, waxaana uu xiriir kula sameeyey kooxdaas baraha bulshada.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here