Nin la sheegay in uu katirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Soomaaliya

0
90

Muqdisho(SDN)Saraakiisha Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sargaal katirsanaa Xarakada Al-Shabaab kaa oo deegaan ahaan kasoo jeedo Gobolka Bakool gaar ahaan Magaalada Xudur.

Taliyaha Ciidanka Milatariga ee Gobolka Bakool Cabdi Raxmaan Maxamed Ismaaciil (Tima Cadde) ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidankooda uu isku soo dhiibay Sargaal katirsanaa Al-Shabaab kana howlgali jiray Meelo ka baxsan Gobolkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in Sargaalka isku soo dhiibay uu go’aansaday in uu kasoo baxo Kooxda Shabaab , waxa uuna intaa raaciyay in uu ka howl gali jiray Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Magaalooyinka Baraawe iyo Afgooye .

Sargaalka la sheegay in uu isku dhiibay Ciidanka Dowlada oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Xasan oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu katirsanaa Saraakiisha Amniyaadka ee Al-Shabaab uuna kasoo howl galay Magaalooyinka Baraawe, Afgooye iyo Deegaanka Siinka Dheer ee Gobolka Sh/Hoose.

Ninkkan ayaa sidoo kale sheegay in uu kasoo qeyb qaatay Weeraro iyo Qarxayo lala eegtay Masuuliyiin iyo dad shacab ah ,waxa uuna intaa raaciyay in uu hada go’aansaday in uu ka baxo Al-Shabaab uuna isku dhiibo Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday Dagaalyahanada iyo Saraakiisha katirsan Xarakada Al-Shabaab in ay kasoo baxaan kooxdaasi , waxa ayna dowlada u balan qaaday dadka kasoo baxa Shabaab in la cafin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here