Nin ku dhuuntay Diyaarad Qeybta boorsooyinka Rakaabka la saaro oo safar adag ku tagay Yurub !!

0
163

Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ka duushay Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa qeybta la saaro boorsooyinka rakaabka waxaa kusoo dhuuntay nin magangalyo doon ah.

Diyaaradan ayaa ka dagtay Garoonka diyaaradaha ee Arlanda magaalada Stockholm ee dalka Sweden, waxaana markii la furay qeybta boorsooyinka la gashto kasoo dagtay nin goobtaasi kusoo dhuuntay.

Ninkan ayaa isaga oo caafimaad qaba waxaa laga soo saaray qeybta ay rakaabka saartaan boorsooyinka, waxaana ninkan la sheegay in uu doonayo in uu magangalyo ka helo dalka Sweden.

Waxaan wali la cadeyn qaabka uu ninkan diyaarada kusoo raacay gaar ahaan qeybta boorsooyinka rakaabka la saaro, waxaana ninkan xaalkiisa ka wareestay hay’adda socdaalka u qaabilsan dalka Sweden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here