Nin isku dhex dilay Dhismaha Xarunta Baarlamaanka Maraykanka

0
171

Usa(SDN)Waxaa sabtidii shalay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee Capitalhill isku dhexdilay nin ka mudaharaadayey canshuurta!

 

usa

Ninkan oo sitay boor ay ku qoron tahay “…Hala Canshuuro kooxda 1%…” ayaa gacantiisa isku toogtay xili uu ku sugnaa qeyb kamid ah xarunta Baarlamaanka.

Arrintan ayaa keentay in xaruntaasi gebi ahaan la xiro muddo ku dhaw 3 saac halkaasi oo ay booliiska baaritaan ka wadeen.

 

Booliiska ayaa baarayey boorso uu watay ninka isdilay iyo waliba gaarigiisa, waxaana la sheegay in ninkan uusan wadan wax waraaqo aqoonsi ah.

 

Kooxda 1% ee uu ninkan doonayey in la canshuuro, waxaa Tujaarta ugu sareysa dalka Maraykanka oo iyagu la sheego inaysan bixin canshuur badan, halka dadka caadiga ah laga qaado canshuuro badan oo la degay dhaqaalahooda.

 

Tusaale qoyska Walton Family ee leh dukaanada Wal-mart ee dalka Maraykanka ayaa la sheegaa lix qof oo kamid ah Qoyskaasi inay ka lacag badan yihiin 100 milyan oo muwaadiniinta Maraykanka oo la isu geeyey.

 

Tujaarta Maraykanka ee tiro ahaan ka yar 1% shacabka Maraykanka ayaa la sheegaa in dhaqaalahooda oo la isu geeyey uu ka badan yahay guud ahaan Waxsoo saarka sanadka ee Qaarada Afrika, Australia iyo Latin America oo la isu geeyey.

 

Xiligii dhaqaale burburka ka dhacay dalka Maraykanka ayey dad badan banaanbaxyo ku qabteen xarumaha ganacsiga ee Wall Street ee magaalada New York, mudaharaadyadaasi oo loogu magacdaray (Occupy Wall Street).

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here