Nin Hubeesan oo Argagax ka abuuray Xarunta Baarlanaanka Dalka Mareykanka

0
259
Tourists run for safety past the entrance to the U.S. Capitol Visitors Center (R) in this video frame grab from WRC-TV footage after a shooting in Washington March 28, 2016. REUTERS/WRC-TV Via Reuters

Nin hubeesan ayaa argagax badan ka abuuray magaalada Washington ee caasimada Mareykanka, gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka Dalkaasi ee loo yaqaano Capitol, kadib markii uu isku dayay in uu galo xaruntaasi.

Ciidamada booliiska ee ilaaliya xaruntaasi ayaa durba ninkaasi ay ka shakiyeen toogasho ku dhaawacay , waxaana rasaastii ay fureen ciidamada ay qal qal badan ku beertay dadkii ku sugnaa iyo kuwii ka ag dhawaan xarunta Baarlamaanka Dalka Mareykanka.

 

Xaalad Cabsi ah ayaa laga dareemay goobtii lagu dhaawacay ninkii hubeesnaa, waxa ayna arintaasi keentay in dadka lagu amro in ay ku sugnaadaan xarumaha ay ku jiraan ,sidoo kale waxaa mudo saacad ah la xiray Aqalka Cad ee dalka Mareykanka .

Matthew Verderosa , oo kamid ah Saraakiisha booliiska Magaalada Washington DC, ayaa sheegay in dhacdadan asan aheyn mid argagaxiso balse ay aheed mid la xariirta shaqsi, waxa uuna intaa raaciyay in booliiska ay hayeen xogta ninkan.

Xarunta Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa xiliga ay dhacdadan ka dhaceysay aheed mid aysan shaqo kasocon ayna fasax ku maqan yihiin Xildhibaanada, waxaana goobtaasi ku sugnaa dad u badan dalxiisayaal.








 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here