Nidaamkii Cusbaa Ee Koranta Dabaysha Madaarka Cigaal Ee Hargeysa Oo Shaqayn Waayay

0
220

Hargeisa(SDN)Nidaamkii cusbaa ee xukuumaddu ku doonaysay inay madaarka Hargeysa kaga hirgaliso korontada Dabaysha (wind power) ayaan shaqayn maalmo kadib tan iyo intii wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ku dhawaaqday inay hawl-galisay.

 

 

Marawaxada Dabaysha dhaliya oo ay Somaliland ugu deeqday hay’adda USAID ayaa u fadhiya farsamo la’aan iyo cilad gashay, waxaanay taasi sababtay inay gabi ahaanba istaagaan qalabkii lagu rakibay madaarka Hargeysa agtiisa, kaasoo markii hore la iclaamiyey inay shaqo galeen.

 

 

Nidaamka Dab dhalinta hawada oo Somaliland ku cusbayd ayaa yididiilo galisya Dadweynaha iyo shirkadda Korontada, hase yeeshee illaa hada mashruucaasi waa mid aan shaqayn, illaa hadana lama oga sababta rasmiga ah ee ay u shaqayn waayeen qalabka dabaysha dhaliya ee Madaarka Hargeysa.

 

 

Marawaxada lagu rakibay madaarka ayaa soo saari jiray Dab ka badan madaarka Hargeysa, kaasoo loogu talogalay in shirkadaha Korontadda siiya xaafadaha madaarku ka iibsadaan wasaaradda hase yeeshee illaa hada madaarka Hargeysa Dabkan lama galin, sidoo kale-na shirkaddihii laga iibin lahaa lama siin maadaama gabi ahaanba shaqadii Marawaxadahaasi joogsadeen.

 

 

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa hore u shaacisay inay dhamaan goboladda Dalka ka hirgalinayso mashruuc dabaysha lagaga dhaliyo korontada, isagoo Agaasimaha guud soo dhagax dhigay goobo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalku ugu deeqeen, hase yeeshee iyana waxa ay u fadhiyaan cilada iyo maamul xumada soo food saartay kuwa Hargeysa oo kale.

 

Korontada ayaa ah waxa ugu qaalisan ee ay ganacsatada iyo Bulshaduba ka cawdaan, waxaanu nidaamka Dabaysha korontada laga dhaliyaa horseedi lahaa in qiimo ka jaban ka shiidaalka laga dhaliyo laga helo, maadaama sida daraasado laga sameeyey juqraafiga Somaliland yahay dhul tamar kala duwan lagaga dhalin karo Dabaysha, Qoraxda iyo Dhuxul dhagaxdaba.Waxa jira meherado ganacsi oo magaaladda galiya Tamarta Qoraxda (Solar system) kuwaasoo xawli ku socda maadaama meheradaha iyo guryaha qaarkood culays dhaqaale ka haysto korontada wershadaha qaarkood, kuwaas oo mararka qaarkood Dabkooda la waayo wakhtiyo muhiim ah.

 

 

 

Si kasta ha ahaatee, mashruuca USAID ee korontada Dabaysha laga dhaliyo lama oga rasmi ahaan in uu ka shaqayn waayey dhinaca Hay’adda iyo in uu ka shaqayn la’yahay dhinaca wasaaraddaha iyo Hay’addaha xukuumadda ee ku shaqada leh, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Nidaamka Dabka ee madaarka Hargeysa aanu ahayn mid la jaan-qaadi kara Korontada Dabaysha laga dhaliyo oo madaarku ka helo karo Dab ka badan ka ay imika wasaaradda Duulistu isticmaasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here