Natiijadii U Danaybaysay Ee Xalay Iyo Orodyahanka Soomaliyeed Mo Farah Iyo Kaalinta Uu Kusoo Gaba Gabeeyey Orodkii Xalay

0
181

Riyo (SDN)Orodyahanka asalkiisa yahay Soomaali ee u orda Britain ayaa kaalinta 3aad ku dhameysttay orodka 5,000 oo mitir, isagoo ku sigtay inuu dhaco ka hor inta aanu soo idlaan Tartanka.

Mo Farah ayaa ka mid noqday shanta orodyahan ee u soo baxday kaalinta kama dambaysta ah orodyahanadii maanta ordayay. Orodyahankan ayaa markii uu tartanka dhamaaday waxaa uu sheegay inuusan u soo kabsan sida uu rabay, kadib markii uu ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 10,000 oo mitir.

Mo Farah ayaa tartankii Olimbikada ee London sanadkii 2012 waxaa uu ku guuleystay orodka 5,000 mitir iyo 10,000 mitir, isagoo dhigay taariikh.

 

 

Mr Farah ayaa mar dhici gaaray, markii lugihiisa uu taabtay orodyahan kale oo u ordayay dalka mareykanka balse asalkiisu ka soo jeedo Soomaali Xasan Meecaad, hase ahaatee inta aanu isaga dhicin waxaa dhulka ku dhacay orodyahankaas u dhashay Mareykanka, taas ayaa loo sababeyn karaa inay hakisay inuu kaalinta koowaad galo, waxaana muuqatay inuu la kulmayay loolan aad u adag.

Waxaa uu maalmo ka hor ku guuleystay Orodka 10,000 ee mitir ee Rio, balse waxaa uu rajo ka qabaa in uu markale difaacdo bilada dahabka ah oo uu dhigo rikoor kale.

Orodyahan u dhashay dalka Itoobiya ayaa galay kaalinta koowaad orodka 5,000 oo mitir, halka Orodyahan matalayay dalka Baxreyn uu kaalinta labaad galay.

 

 

Waxaa xusid mudneyd in Tartankan 5,000 oo mitir uu ordayay Orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Daa’uud, kaasoo isna ku dhameystay kaalmaha ugu dambeeyay, inkastoo hal orodyahan uu ka dmabeeyay.

Sidoo kale tartankii maanta ayaa waxaa ordayay 25 orodyahan oo shan ka mid ah ay ahaayeen Soomali balse shan dal oo kala duwan u tartamayay. Marka laga reebo orodyahanka Maxamed Daa’uud oo calankiisa u ordayay ayaa waxaa u ordayay dalalka Maraykanka,Britian,Canada iyo Belgian orodyahano asalkoodu uu Soomali yahay.

Mo FarahaMo-Farah3Mo-Farah2Mo-FarahFarah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here