Natiijada Doorashad Ugandha Oo La Filayo In Maanta Lagu Dhawaaqo Iyo Musharrax Kizza Besigye Oo Walaac Ka Muujiyey

0
157

Kampala(SDN)Wararka ka imanaya dalka Ugaandha ayaa sheegaya in Gudiga doorashooyinku ay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada maanta oo sabti ah,doorashadan oo ahayd mid loo tartamayey jagada madaxweynenimo iyo baarlamaaniga dalka Ugaandha.

 

 

Doorashadan oo loo coddeyey maalintii Khamiistii ayaa ahayd mid muran uu soo food saarey,iyada oo sababtay banaan baxyo rabshado wata,kuwaasi oo ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Ugaandha ee Kampala,mudarahaaradkan ayaa salka ku hayey markii xabsiga la dhigay hogaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye.

 

 

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamayey Madaxweynaha haatan talada dalka haye ee Yoweri Museveni iyo 7 musharrax oo kale.

Dhinaca kale wararka Natiijooyin hordhac ah ee ka soo baxaya guddiga doorashada ayaa muujinaya in madaxweyne Museveni uu haysto in wax yar ka badan 60% codadkii la dhiibtay.

 

 

Balse Musharraxa mucaaradka ugu cad-cad ee Kizze Bisgye ayaa walaac xooggan ka muujiyey natiijada doorashada,waxaana laga dareemayaa magaalada kampala askar badan oo ku lebbisan direyska ciidanka,kuwaasi oo gaaf-wareegaya gudaha magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here