Nabada Iyo Isbadalka Muqdisho Oo Si Weyn Isku Soo Taraysa, Taliyaha Cusub Ee Tarafikada Oo Qayb Weyn Ka Qaatay Isbadaladaasi

0
211

Muqdisho(SDN)Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya General Saacid ayaa dhawaan u magacaabay Generaal Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) in uu noqdo taliyaha Ciidanka Taraafikada , waxaana xilka laga qaaday taliyihii horey xilkaasi u hayay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Generaal Cali Gaab oo xilkan horey usoo hayay mudo sanooyin ah ayaa mar kale dib loogu soo celiyay kadib markii howlihii taraafikada ka wadeen Muqdisho iyo gobolada dalka uu ku yimid hoos u dhac.

 
Ciidamada Taraafikada ayaa malmihii lasoo dhaafay lagu arkayay isgoosyada Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho iyaga oo haya howl adag kalana hagaya gaadiidka, waxa ay sidoo kale ciidamada qabanayaan dadka aan heesan ruqsada gaadiidka lagu wado.

 

Taliyaha cusub ee Ciidanka Taraafikada Cali Gaab ayaa naftiisa lasoo baxay dar dar cusub , waxaana mararka qaar laamiyada Muqdisho lagu arkaa taliyaha oo ku mashquulsan kala hagida gaadiidka iyo sidoo kale wax ka qabashada darawalada aan heesan Leesinka gaadiidka lagu kaxeeyo.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here