Nabada iyo horumarka magaalada Muqdisho oo heerkii ugu sareeyay gaartay(Daawo Muuqaal) !!

0
230

Caasimad kasta marka ay nabad noqoto waxaa si deg deg ah u dhisma dhamaan dalka intiisa kale maadaama muhiim ay tahay dal kasta caasimadiisa in ay nabada iyo horumarka ka soo bilaabato sida ay ku dhaqaaqeen dalal badan oo barwaaqo gaaray .

Shacabka ku dhaqan caasimada dalka Somalia ee Muqdisho ayaa waxa ay noqdeen kuwo dhexda u xirtay nolol iyo horumar cusub oo ay kaga faaideysanayaan jaanisyo badan oo ka jira gudaha dalka waxaana goobihii wax barashada u dareeray dhalinyaro badan oo xiliyadii hore dagaalada loo adeegsan jiray .

Guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dhismayaal cusub iyo ganacsi xoogan oo ay wadaan ganacsato Dibadaha ka yimid, balse qandaraasyo badan ka fuliyay caasimada dalka kuwaas oo ka faaideysanaya nabada iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here