Muwaadin Soomaaliyeed oo ka dhexmuuqday Ciidamo farabadan oo ka qalinjabiyay Marines-ka

0
145

Cabdi Maxamed oo kamid ah jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Arizona, ayaa noqonaaya wiilkii ugu horeeyay oo ka baxa barashada Ciidanimada Marines-ka.

Waxa uu kasoo dhexmuuqday Ciidamo farabadan oo dhameystay barashada Ciidanimada Marines-ka oo la aaminsan yahay in Somalia ay baahi xoogan u qabto.

Tababarkaani ayaa waxa uu ku dhameystay Saldhig Ciidamada Marines-ka ku lee yihiin Magaalada San Diego Ee Gobolka California, waxa uuna sheegay in muddo fog uu weligisa ahaa mid haminaayay dhameysiga Marines-ka.

Munaasabad loo qabtay Ciidamada Marines-ka ee tababarkan dhameystay, ayaa waxaa kala qaybgalay qoysaska iyo ehelada Ciidamada.








 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here