Muuse Taayir Banjare By Mukhtar Cilmi

0
209

Sida aad u ogsoontihiin loolalnka KULMIYE iyo halku maraya waa mid maalin walba sii xumaanaya,ka dib manta sida wararku ay sheegayaan in aamina wasir ka walac muujisay liiska golaha dhexe ee tartankan kala saari doona , waaxana soo baxday in muuse xoog ku badalay iyo waliba soo bixistiisa oo muuqata imika.SILAANYO oo ducuf muujiyay xalinta khilaafkan aya tosaysa umadda in ay tahay taladii SILAANYO ay ka hadhsan tahay dhowr cisho!!, khilaafku wuxuu galay wajigii lagu badbaadin laha qarankan suubaan.

Sida caruurta loo yeedho ayuu manta xoghaye KULMIYE warbaahinta xubnaha ugu iclaamayay in ay iska soo xaadiraan xarunta haawanaysa!!,isbahaysiga aya masiirkooda siyaasdeed ka tashan doona ayaamaha soo socda iyagoo arkaya halka u marayo, XIRSI ,BIIXI , SAMAALE, KIJAANDHE amba SILAANYO, SYALACI, MUUSE, KAAHIN ayuu dagaalku noqon doona .

 

Waxaa ku muuqda in KULMIYE dariiqii xibigii UDUB ku burburay uu galay, waxaa ka muuqata intii ku soo saaqiday siyaasadda wadanka inay xukuumaddan ku meelo buuxisay oo lagaga wada cararay, taasina waxay bidhaan u tahay inay xukuumaddani sii jiri doonin oo ayaamo tahay.waxaana u soo jeedinaya SILAANYO in iska casilshid waayo taageero ma haysatid ,xukuumadd aan sumcad u hadhin ayaad haram u tahay manta.

 

Ayaamaha dhow waxa laga sugaya golayasha qaranka in xaaladan guud ee dalku marayo in laga tashado oo meel la mariyo ,qaranki khatar ayuu ku jira manta ,in laga gadh gaadhona waa waajib qaran.Muuse na waa taayir banjaray oo ismooday inuu qaranka afduubi karo!.

By Mukhtar Cilmi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here