Musuq-Maasaq Baahsan Oo Dul Hoganaya Maamulka Degmada Tog-wajaale

0
240

Wajaale(SDN)Maayirka ismaamulka magaalada tog-wajaale ayaa ku kacay musuq-maasaq baahsan kaasi oo afar mashruuc oo dhawaan laga hirgalinayey magaalada wajaale siiyey dad ay isku qaraabo yihiin mashaariicdaasi oo dhan qadar lacageed ilaa 5 milyan oo bir iyo mashruuc dhan 500,000 kun oo bir iyo mashruuc lagu maal galinayey 20 KM oo wado ah dhamaan mashaariicdaasi oo si fooyin qaldan lagu bixiyey ayaa waxa si cad loo sheegay in lagu bixiyey sifo sharci daro iyo qaraabo kiil ah.

Warbixino kala duwan oo aanu helnay ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyey Cismaan Cabdi Cismaan oo dhawaan loo soo magaacaabay maamulka degmada togwajaale kaasi oo sabab looga dhigayo in la leexsado dhamaan mashaariicdaasi.

Fariimaha bulshada iyo dhawaaqa ka soo baxay ayaa ah in madaxwayne Mustafe Cagjar uu talaabo iyo dabagal ku sameeyo maamulka degmada Tog-wajaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here