Muslimiinta kunool Jarmalka oo Olole ay dadka kusoo jiidanayaan ka sameeyay Magaalada Berlin

0
183

Muslimiinta kunool dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Berlin ee caasimada dalkaasi ayaa olole nadaafadeed ay dadka kusoo jiidanayaan waxa ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Berlin.

Dhalinyaro Muslimiin ah oo is aruursaday kana wada tirsan hal Urur ayaa olole nadaafadeed waxa ay ka sameeyeen magaalada Berlin gaar ahaan Suuqyada iyo goobihii ay ka dhaceen dabaal dega sanadka cusub halkaas oo loga tagay qashin badan.

 

Ololahan ay sameeyeen Muslimiinta kunool magaalada Berlin ayaa si weyn usoo jiitay Warbaahinta dalka Jarmalka, waxaana ololahan uu noqday mid ay dad badan soo dhaweeyeen laguna amaanay dhalinyarada Musimiinta ah ee sameeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here