Muslimiin Lagu Casuumay Kaniisad Kutaala Faransiiska Oo Loogu Duceenayay Baadari la Dilay

0
156

Kaniisad kutaala magaalada Ruwen ee dalka Faransiiska, ayaa lagu casuumay in ka badan kun qof oo kamid ah Muslimiinta kunool dalka Faransiiska, kuwaa oo ka qeyb galayay Duco kaniisadaasi loogu sameenayay baadari dhawaan lagu dilay magaalada Ruwen.

Labo nin oo la sheegay in ay xariir la lahaayeen Kooxda Daacish ayaa shan maalin kahor kaniisad kutaala magaalada Ruwen ee dalka Faransiiska, waxa ay ku dileen baadari 86-sano jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Jacques Hamel.

Kaniisada dalka Faransiiska ayaa dad badan oo Muslimiin ah kuna nool dalka Faransiiska ku marti qaaday maanta in ay kala qeyb galaan munaasabad duco ah oo Kaniisad loogu sameenayay Baadariga dhawaan la dilay.

 

Mohammed Karabila, oo madax ka ah masaajid ku taala magaalada Rouen ee Baadariga lagu dilay ayaa sheegay in ay aad muhiim ugu tahay isaga in uu tago kiniisada , waxa uuna tilmaamay in bulshada Muslimiinta ah ay horay u samayn jireen waxyaabo badan oo aan la arkin balse tan ay dadka indhahooda qabanayso.

Ururka Muslimiinta dalka Faransiisa ee CFCM ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in midnimo iyo garab istaag laga muujiyo dilka baadariga loo geestay iyo weerarada kale, waxaana Muslimiinta Faransiiska kunool ka baqayaan in loo dhibaateeyo midabkooda iyo diinta ay aaminsan yihiin owgeed.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here