Musharaxiinta Bah-wadaagta Kulmiye Oo Xaflad Ilyartu Is-qabsatay Ku Qabtay Magaalada Hargeysa

0
182

Hargeysa (SDN) Garabka Musharrixiinta Bahwadaaggta ah ee ku shuraakoobay loollanka doorashada xisbiga Kulmiye dhexdiisa lagu hardamayo ayaa xafladd-ballaadhan oo kulmisya ku acyaantii Hargeysa ku Goballada kaleba ku qabtay Hotelka Crown.

munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybalay 3 da musharrax ee Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kula loolamaya tartanka doorashada xisbiga dhexdiisa ciddii u matali lahayd doorashooyinka soo socda ee xisbigu la galayo xisbiyada kale,sulaadiin,cuqaal,aqoonyahanno,dhalinyaro,haween iyo guud ahaan qaybaha kaladuwan ee ay bulshadu ka koobantahay.

DSC04816Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadlay Gudooye kuxigeenka  Maxamed Xaaji Yuusuf [Waabeeye] waxaanu sheegay  inay dhinacoodu haystaan aqlabiyaddii Golaha dhexe ee Xisbiga Kumiye isla  markaana ay haystaan kooramkii ku filaan lahaa haddii ay isu codd-tirsadaan “maanta waxaa halkan fadhiya qalabiyaddii Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo haddii loobaahdana aanu haysano kooram nagu fulan xubnihii Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye” ayuu yidhi  Mr Waabeeye.

DSC04843“waxaannu cadaynaynaa inay meeshu afduubantahay” ayuu yidhi Mr Waabeeye,Musharraxa Xidhibaan Axmed Cabdi Nuur [Kijaandhe] oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inaanay ogolaan doonin nin aanay dadku dooranin inuu ku soo baxo doorasho aan sax ahayn “annagu xisbiga Kulmiye uga tagimanyo cidkale oo xooggbadan baa  naga galay mana nihin ragg-hoostooda laga bixikaro” ayuu yidhi Mr Kijaandhe.

DSC04821wawaanu filaynay in la magacaabo guddigii qaban qabada oo nala yidhaado waar musharrixiin-baatihiine maxaynu yeellaa  laakiin idaacadda uun baannu ka maqallay iyada oo la leeyahay kaadhadhkii baa la qaadaynayaaye xubnihii golaha dhexe ha soo xaroodaan oo kaadhdhkii ha qaataan” ayuu yidhi Md Kijaandhe.

DSC04842“maanta Dawladdii aynu ku faanaynay waxay maraysaa in la yidhaado maantana reer-heball baa u leh doorashada waxana la doonayaa in laynoo sameeyo kooxyar oo ina qabsdata waar miyaynu doonaynaa inay kooxyari inna qabsato” ayuu yidhi Md Kijaandhe.

DSC04840“maanta waxaa innahaysata dhibaatto weyn shirkaa Kumiye ee soo socdaa inta uu sidaa yahay ka qabygalimayno” ayuu Musharrax Maxamed Cabdi Kijaandhe.waxaa isaguna halkaa ka hadlay musharraxa Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaanu ka warramay diin ahaan dadku haddii ay ka dalbaan xaxay raadinayaan meel aan diinta ilaahay ahayn inay duloobayaan.

DSC04832Mr Samaale waxaakale oo uu ka hadlay arrimaha xisbiga Kulmiye iyo xaaladda uu marayo waxaanu sheega  inaan la qarin karin awoodda uu garabkoodu leeyahay “maanta waxaa halkan fadhiya lamana qarin karo” ayuu  yidhi Mr Samaale,waxaanu yidhi “walalayaal xisbiga Kulmiye waa xisbi ballaadhan oo ay ka wada muuqdaan beelaha Somaliland oo dhami waana in la ilaaliyo wadajirkiisa iyo isku duubnidiisa xisbigana markii 2002 ayaa la aas aasay markii la samaynayeyna umaynaan dooran inuu nin kaliya ahi ku manaafacaadsado” ayuu yidhi Mr Samaale.

dhanka kalana waxa uu sheegay inuu Kulmiye yahay xisbi la wada leeyahay “xisbiga Kulmiye waa lawada leeyahay waxa lagu wada leeyahayna waa codadka dadka haddii uu codadkaa waayana dee xisbi noqon-maayo waar saw sidaa maaha?haa haa haa”

“waxaan qabnaa ninka imanaya ee Kulmiye ku soo baxayaa inuu ahaado nin codka xisbiga oo dhan si cadaalad ah ku hela oo aan cidd gaara u xidhnayn waar-miyaanay sidaa ahayn? haa haa haa”

Mr Samaale waxa uu sheegay haddii ay hadda taagan tahay in laysu diiday  sideeba hadhaw loogu kalsoonaan karaa waxa ka soo baxa Madaxweyne kootto ku yimaadda isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maalintii aan kaadhka qaatay ee aan isdiiwaan galiyey xubnihii ila socday waa loo diiday” ayuu yidhi Mr Samaale.

wali Mr Samaale oo hadalkiisa waxa uu sheegay in aanay u diidanayn Ragga maanta leh waxaannu nahay halgamayaashii dalka balse ay doonayaan inay la tartamaan oo saaxaddu noqoto mid lagu kala calafqaado si xor iyo xalaal ah”dhanka kalana waxa uu sheegay arrinta suuqyada sida weyn ugu gashay ee ah inuu Madaxweyne Siilaanyo aad u ammaanijiray markii uu xukuumaddiisa kamidka ahaa haddana uu wali ku taagan yahay inuu ammaano Siilaanyo “waxaa laygu xantaa inaan Maaxweynaha aad u ammaanijiray haddana wali waan ammaanayaa waayo waa Madaxweynihii dalka” ayuu yidhi Mr Samaale.

dhanka kalana waxa uu Mr Samaale sheegay inaya ahayd in lacagg laqa qaado musharrixiintooda tartamaya lacagg sidii caadada ahayd laakiin aan ilaa hadda shilin laga qaadin taa macnaheeduna uu yahay inaanay xukuumaddu ogoleyn musharrixnimadooda “waxay ahayd in musharrixiintayada nalaga qaado oo ninkiiba $ 5000 laga qaado Madaxweyne ku xi geenkana $2500 ilaa haddana shilin nalama waydiinin taa macnaheeduna waxaaweeye inaan la ogoleyn musharraxnimadayada” ayuu yidhi Mr Samaale.”

“ogaada shirka Kulmiye hadduu sidaa ku sii socdo annaga 3 dayadaa musharrax midna ma tagidoono ee sidaa ku ogaada waayo waxaa la malmaluuqayaa 3 nin oo kale oo boosaskayagii nalagu badalo taasaana soosocotee sidaa ulasocda” ayuu yidhi Mr Samaale.

Musharraxa Maxamed Biixi Yoonis oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inanay diyaar u ahayn inay dalka iyo dadka wax yeelaan waxan lagu sheegayo ee la leeyahay waa inqilaan doono iyo inay Somaliland dumiyaan inaanay waxba ka jirin “ninka uu caalamka oo dhami nabadda ku aaminay marna madhicikarayso inuu Somaliland nabaddeeda wax-wax u dhimikara aanu ku dhaqaaqin “anigu ilaa Daarfoor iyo Qaza iyo meelo kale oo caalamka ah ayaan ka soo shaqeeyey mana dhicikarto inaan aniga oo nabaddii Caalamka laygu aaminay inaan nabadda Somaliland wax u dhimo” ayuu yidhi Mr Yoonis.

dhanka kalan waa uu sheegay inuu meelo badan oo Somaliland ah xilliyo kaladuwan macalin ka soo ahaa  “dadku waxay igu yidhaadaan Maxamed Biixi Yoonis waa  nin qurbajoogg ah waa runtood qurbajoogg-baan ahay laakiin dadlka waxbadan baan ka aqaannaa oo maclinbaan ka soo ahaa Sallaxley,BalliGubadle,Bullaxaar,Burco,Sheekh,Hargeysa iyo Burc oo dadka iyo dalkaba sidaabaan u garanayaa” ayuu yidhi Mr Yoonis.

“manihin dadkii dalka looga bixilahaa Mujaahidnimaduna ma-aha in la yidhaado uun tayda uun baa mujaahidd ah” ayuu yidhi Mr Yoonis “annagu waxanau ixtiraam iyo wanaaggba u haynaa shakhsiyaadka nala tartamaya laakiin dee Madaxweynihii aannu isagaba ka cabanaynay ayaa soo magacaabay markaa marnaba ma ogolin inaanu ka qaybgallo shirkaasi” ayuu yidhi Mr Yoonis.

“annagu waxaanu leenahya ninka doonayaa inuu dalka Madaxweyne ka noqdo hasoo bandhigo aqoontiisa iyo waxa uu dalka iyo dadkaba uqabanayo caalamkuna maanta hadduu arko nabaddii iyo dimoqoraadiyaddii oo lagu tuntay laynaga aqbalimaayo sida maanta socotana haddii lagu sii wado waxa uu Xisbiga Kulmiye maridoonaa halkii uu maray Xisbigii UDUB” ayuu yidhi Mr Yoonis.

“Madaweynu xaqbuu u leeyahay codkiisa ninkii uu siinayo laakiin faqa habeenkii ee la leeyahay dadkii aniga taageerayaashayda ahaa kaalaya oo ka soo baxa taa ka yeelimayno waana caddaaladd darro Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne arrintaasi kuuma haboona annaguna kaa yeelimayno” ayuu hadalkiisa kaga baxay Maxamed Biixi Yoonis.

Oday Siciid Bide oo kamid ahaa odayaashii sida wey ula soo shaqeeyey Madaxweyne Siilaanyo isku beella ay ka soo jeedaan oo halkaa ka hadlay waxa uu talo weyn oo odanimo ah u soo jeediyey inuu dhexdhexaad ka noqdo tartanka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah waxaanu xusay inuu aad u jecelahay inuu Madaxweyne Siilaanyo ilaaliyo minimadii Xisbiga “Madaxweyne waxaan kamid ahay dadkii sida weyn kuula soo shaqeeyey qiimahaagana jecel mar haddii aadan adigu musharrax ahayn haw kala eexan raggaa tartamaya ee adigu dhex u noqo” ayuu yidhi Mr Bide.lasoco khudbadaha masuuliyiintiikale ee halkaa ka hadashay sida Nimco Xuseen Qawdhan ,Xrisi Cali Xaaji Xasan iyo qaarkale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here