Musharaxa Madaxweynaha Ucid Oo Kulan La Qaatay Xafiiska Khaarajiga iyo Barwaaqo Sooranka Ingiriiska

0
210

Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Mudane Jamaal Cali Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo waxay  kulan la  balaadhan la  qateen  Xafiiska Arimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka  ee boqortooyada Ingriiska.

kulankan oo ahaa mid looga hadlayey arrimo badan oo xasaasiya oo ka mid tahay Doorashooyinka ,Xidhiidhka arimaha dibada ee Somaliland iyo sidii wax looga qaban lahaa Dhinaca caafimaadka kulankan oo ku weheliyaan Xoghayaha kalamysiga iyo Khayraadka Baada , Xoghayaha Arimaha Qoyska Marwo Kaltuun Cumar  iyo Xoghayaha Maal gashiga iyo Bayacmushtariga iyo Xubno kale oo ka tirsan xisbiga Ucid.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa yidhi “Saddex qodob ayaanu kala soo hadalnay, Qodobka kowaad oo ah doorashooyinka Somaliland iyo sidii Dawladda Ingiriisku inooga taageeri lahayd Jadwalkooda iyo waxa laga qaban karayo si aan doorashadu dib ugu dhicin.

Arrinta labaad ee aanu kala hadalnayna waxa weeye Arrinta Yemen, waxaanu waydiinay sidii Qaxoontiga faraha badan ee Yemen ka imanaya Caalamku inooga caawin lahaa, waxayna noo sheegeen inaanay wali wax codsi ah ka hayn dawladda Somaliland laakiin, markay codsi ka helaan ay doorkooda ka qaadan doonaan.

Qodobka saddexaad ee aanu kala hadalnay Somaliland, wuxuu ahaa in Ingiriisku inaga taageero xagga Caafimaadka oo dhakhaatiirta iyo Barnaamiyada xagga horumarinta Caafimaadka ay qayb ka qaataan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here