Musharax Donald Trump oo Niyad Jab lasoo daristay kadib markii uu is casilay Paul Manafort

0
181

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa mar kale xaalad siyaasadeed soo wajahday kadib markii Guddoomiyihii kooxda ololaha u qaabilsanaa uu shaaca ka qaaday in uu is casilay.

Paul Manafort, oo noqday Gudoomiyaha ololaha Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga labo bilood kahor ayaa la kulmay cambaareyn iyo hadalo kulul , kadib markii lagu eedeeyay in u xariir weyn la lahaa Siyaasiyiin u dhashay Ruushka iyo madaxweynihii hore ee Ukraine,Viktor Yanukovych.

 

Ninkan ayaa iska difaacay si weyna u beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay , mana cadeyn ilaa hada sababta ku kaliftay in uu iska casilo Gudoomiyaha ololaha ee Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga uu hayay labo bil oo kaliya.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, oo War kooban oo qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in uu aqbalay is casilaada Paul Manafort, wax faah faahin intaas dheerna Mr Trump kama bixin Iscasilaada Mr Paul, waxaana Warbaahinta sheegtay in Doland uu ka niyad jabay iscasilaadan.

 

Paul Manafort waxaa la sheegay in uu isku dayayey in uu ku qanciya Mr. Trump in ay taageeradiisa ay hoos u sii dhacday isbucyadii lasoo dhaafay , isagoona kula taliyay in uu iska dhaafo hadallada uu sida ka fiirsasho la’aanta ah u sheego.

Iscasilaada Gudoomiyihii ololaha Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa imaaneysa xili labo maalin kahor uu is badal weyn ku sameeyay Musharaxa Trump ololihiisa, waxa uuna shaqada ka eryay xubno sare isagoona magacabay xubno kale oo howsha ololihiisa hormuud u noqonaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here