Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Maanta Dalka Soo Gaadhay

0
144

Hargeysa(SDN)Murashaxa Madaxwayne ee  Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Xuseen iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee cigaal airport kuwaasi oo safar shaqo ugu maqnaa wadamada Itoobiya Iyo Kenya, waxaana waftiga ka mid ahaa murashax ku xigeenka Pro Abyan iyo waliba xog hayaha gaarka ah ee Murashaxa.

 

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadaly Murashaxa Madaxwayne ee xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe kaasi oo ka hadlay u jeedka socdaalkani kana waramay wax yaabihii ay ka wada hadleen masuuliyiinta labada dal ee ay tageen, geesta kale waxa uu ka hadlay shirkii ka dacay burco ee ay ku midoobeen beelaha Subeer awal iyo habar jecelo ee lagu magacaabay jeegaanta kaasi oo si adag u naqdiyey shirkaasi.

 

Geesta kale waxa isna halkaasi ka hadalay murashax ku xigeenka Xisbiga Ucid kaasi oo sheegay in maanta ay somaliland ka baxday wakhtigii laysku dooran lahaa qabaayil iyo qolo qolo, kaasi oo sheegay in maanta I fafa faalaha muuqda uu yahay dalka oo xisbiga ucid hogaaminayo.

s

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here