Murashax Mukhtaar Maxamed Maxamud (Xamuurad) Oo Maanta Shaaciyey In Uu U Taagan Yahay Xildhibaan Ka Sharax Gobolka Sanaag Ee Doorashad Golaha Wakiiladda

0
173

Hargeysa(SDN) Xaflad Balaadhan oo Lagu Shaacinayey musharax nimada mukhtaar maxamed maxamud(Xamuurad) oo isku soo taagay musharax nimada aqalka golaha wakiilada Somaliland ee la filayo in horaanta sanadka fooda inagu soo hayo doorashadiisu ka qabsoonto Somaliland.

 

 

Xafladani oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa wa ka soo qayb galay masuuliyiin aqoonyahano,dhalinyaro, cuqaal , waxgarad iyo waliba masuuliyiin aad u tiro badan.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay  c/laahi  Maxamud Suldaan c/salaan Suldaan cali shire oo ka hadlay arimo badan oo iskugu jira duco iyo dhiiri galin uu siinayey murshaxa isku soo taagay jagadani xildhibaanimo, kaasi oo sheegay suldaan ku in ay u baahan tahay hawsha loo marayo sidii loo gaadhi lahaa xildhibaanimadu in ay culayskeeda leedahay ayna tahay mid u baahan dhabar adayg iyo dadaal aad u badan.

 

Caaqil Jaamac Warsame Cirrowe jafaal oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay xildhibaano badan oo isasoo sharax oo ay yeelato deegaanada sanaag iyo sanaagbariba, taasina ay tahay guul iyo midho dhal aad u wayn waxaanu sheegay in uu bar bar taagan yahay xildhibaan Mukhtaar Maxamed maxamud (Xamuurad ) oo ah aqoon yahan reer somaliland ah.

 

Geesta kale waxa isna madasha ka hadlay Axmed Aadan Guray oo ka mid ah wax garadka beesha sanaag Bari oo sheegay in ay tahay wax lagu faani karo in ay beeshu yeelanayso musharixiin aad u tiro badan waxaanu sheegay in Somaliland ay u talaabsanayso dhinaca horumarka iyo dimuraadiyada oo la helayo doorashooyin iyo golayaal kala duwan oo ka hir gala dalka.

 

 

Gaba gabadii waxa halkaasi ka hadlay Musharax Mukhtaar maxamed maxamud (xamuurad) oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay madasha qiimaha iyo qaayaha weyn leh ee lagu shaacinayey musharax nimadiisa kaasi oo hambalyo iyo bogaadin u diray cid kasta oo garab istaagtay lana shaqaysay, isagoo ka hadlay in ay dadku ku dhiiradaan qaadashada kaadhka codbixinta oo ay xaq-u leeyihiin.

 

IMG_2122 IMG_2096 IMG_2163 IMG_2101IMG_2158IMG_2131IMG_2124IMG_2121IMG_2105IMG_2111IMG_2110IMG_2163IMG_2160IMG_2163IMG_2104

Xafladani oo ahayd mid balaadhan ayaa ku soo idlaatay jawi wacan maalin suuban.

Suradnews
Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here