Muqdisho Oo Ilaa Xalay Si Weyn Looga Dareemayey U Diyaar Garawoga Xuska SYL

0
297

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyey laga dareemayey diyaar garow ballaaran oo loogu jiro soo dhoweynta xuska 15-ka May Maalinta dhalinyarada iyo Sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimo gaarsiinta dalka.

 
Boorar waaweyn oo lagu soo dhoweynayo Munaasabadan ayaa lagu taxay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyadoo xuska munaasabada 15-ka May ee sanadkana ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Meelaha sida weyn looga dareemayo diyaar garowga ayaa waxaa ka mid ah taaladii SYL oo dib u dhis iyo qurxin lagu sameeyey laguna xardhay nalal kala nooc ah oo aad u qurux badan, indhaha dadkana soo jiidanaya.

 

 
Qaban qaabada Xaflado iyo Munaasabado lagu xusayo maalintan ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood kuwaasoo ay ka qeyb geli doonaan madaxda dowlada, iyadoo amaanka la xoojiyey.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somalia Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa caawa shaaciyey in shaqaalaha Dowladda la fasaxay maalinta Beri ah Munaasabadda xuska 15-ka May awgeed, isagoo xusay in amarkaas uu ka soo baxay madaxweynaha Somalia.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here