Munasibad Baladhan Oo Lagu Shaacinayay Dallad Ay Ku Midoobeen Ardayda

0
208

burco(SDN)Munasibad Baladhan Oo Lagu Shaacinayay Dallad Ay Ku Midoobeen  Ardayda Dugsiyada Sare Ee Gobolka Togdheer  Ayaa Lagu Qabtay Hoolka Shirarka Ee Dawlada Hoose Ee Burco

Munasibadani Oo Ahayd Mid  Kulmisay Qayabaha Kale Duwan Ee Waxbarashada,Bulshada Iyo Madaxda Ururada Arimaha Bulshada Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Maayir Ku Xigeenka Degmada Burco Mr Xoday,Qaar Ka Mida Xildhibanada Golaha Deeganka Degmada Burco,Xoghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose,Maamulayasha Dugsayada Sare,Gudoomiyaha Jamacada Adis Arday Tiro Badan ,Waliidiin Iyo Marti Sharaf Kale

 

Waxana Ugu Horaynba Munasibadani Furay OO Ku Dheeraday Muhimada Baladhan Ee Daladani Ku Fadhido Iyo Sababa Keenay In La Aaasaso Gudoomiyaha  Loo Doortay Daladani C/Qani  Imaan Iyo Xubno Ka Tirsan Daladani  Waxanay Si Iskumida Ula Dardaarmeen  Ardayda Iyo Hogaamiyisha  Dugsiyda Sare In Ay La Bar Bar Istaagaan Tageero  Isugu Jirta Naf Iyo Maalba Waxana  Hadaladoodina Ka Mid Ahaa Kas Mid Ahaa Sida Tan”

“Ujeedada  Munasibadani Waa Dalad Isku Xidhka Iyo Midaynta Ardayda Dugsiyada Sare Ee Magalada Burco Waa Dalad Ka Shaqayn Doonta Wacyigalinta Iyo Hormarka Waxbarashada Ee Daladan Ardayda Dugsiyada Sare Daladan Dugsiayada Sare Ee BSSU Waxa La Aaasay 1/4/2015  Waxa Aasasay Arday Ka Dhigata Dugsiayda Sare Oo Dadaal Adag U Hurtay Midnimada Iyo Is Dhexgalka Ardayda Magalada Burco Marki Aanu Aragnay In Loo Baahan Yahay Is Dhexgalka In Loo Bahan Yahay Is Barasho In Loo Baahan Yahay Iska Wacyigalin Arimo Badan Oo Aafo Ku Ah Deegaankeena Waxa Aan Baaq Udirayada Madaxda Gobolka Togdheer Ganacsatada Iyo Bahda Waxbarashada Inay Qayb Wayn Ka Qataan Bahiya Daladani Waayo Daladani Waa Dalad Cusub Oo Aan Lahayn Wax Xafiis Ah Ama Aan Haysan Wax Gacan Qabataa Marka Waca Aan Codsanaynaa In La Barbar Istaago Oo La Caawiyo Dasladani Ay Ardaydani Ku Midoobeen” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Daladan Cusubi

 

Wa Iyaguna Munasdibadani Ka Hadlay  Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Cismaan Maxmed Sheekh ,Xildhibaan Shiine Falidh Iyo Gudoomiayaha Jamacada Adis Ee Magalada Burco Waxanay Si Iskumida Dhankooda Usoo Dhawayeen Daladani Cusub Ee Ay Ku Midobeen Dugsiyada Sare Ee Gobolka Togdheer Waxanay Dardaaran Iyo Dhiirigalinba Ujeediyeen Waxana Hadaladoodi Ka Mid Ahaa Sida Tan”

“Munasibad Qaaliya Waa Munasibad Qiimo Leh  Waxa Ay Ku Saabsan Tahay Munasibad Saamaynaysa Qodaba Badan Oo Dhalinyarada Saamayn Ku Yeelanaysa Sida Dugsiyada Sare ,Jamacada Iyo Kuwa Kaleba Waa Waxa Kasoo Baxa Oo Kaw Ugu Horayso Qabyaalada Laba Tahriibta Saddax Mukhadaraadka Waa Waxyabaha Muhiimka Ee Dhalinayarada Laga Wacyigalinayo  Aad Iyo Aad Ayaan Ka Wacyigalinayaa Qabyaladu Waa Wax Xun Oo Marki Aan Anigu Dhigan Jirnay Iskuulada Maanu Aqoon Qabyaalada Hadii Aad Ku Barbaartaan Qabyaalad Waa Nasiib Daro Ardaydu Marka Ay Ku Jiraan Dugsiyada Sare Way Ka Xagjiraan Kuwa Kale Runtii Markaan Anagu Dhigan Jirnay Waan Ka Khashaafi Jirnay Mukhadiraadka Iyo Qabytaalada”Ayuu Yidhi Xogahayaha Dawlada Hoose

” Daladani Waa Lo Baahna Oo Hadaad Hada Samayseen Waa Ilahay Mahadi Dhalinayardiina Wax Yaabo Badan Ayaa Aafayay Marku Lagu Tabco Oo Lagu Tabco Oo Ay La Midaaan Qoloqolo Iyo Qabyaalad Dadkii Waalidka Ahaa Ee Ku Soo Tabcay Uga Dhigi Jireen Aabaal Gud Wanagsan Lakiin Hada Manta Qabyaladi Aafaysay Markaa Maanta Hadii Aan Arkay Dhilnyaro Badan Oo Hada I Hor  Fadhido Markaa Waan Idin Hanbalyaynayaa Markaa Manta Waxa Aan Leeyahay Waa Inaad Midawdaan Ka Dawlad Hoosaan Waan Idin Soo Dhawaynayna “Ayuu Yadhi  Xildhibaan Shiino Faliidh

“Manta Waa Si Wayn Ugu Faraxsanahay Inaan Kasoo Qayb Galo Munasibad Lagu Aasaasayo Oo Lagu Abuurayo Dalad Ay Ku Midoobaan Ardayda Dugsiyada Sare Ka Jamacad Ahaan Waan Ku Faraxsanahay  Aadbaan Ugu Mahad Celinayaa Ardayda Soo Qabanqaabiyay Asaaska Dalada Ee Ardaydan Gobolka Togdheer Ee Dugsiyada Sare Waxa Aan Diyaar Unahay Ka Jamacad Ahaan Inaan Idinla Shaqayn Doono Oo Aan Idin Barbar Istaagi Doono”Ayuu Yidhi Gudomiyaha Jamacada Adis Ee Magalada Burco

Ugu Danbaynti Waxa Munasibadani Soo Afmeeray Maayir Ku Xgeenka Dawlada Hoose Ee Magalada Burco Muxumed Jamac Xasan  Xoday Oo Dhankiisa Si Kal Iyo Laab Ah Usoo Dhawayay Daladani Cusub Ee Aay Ku Midoobeen Ardayda Wax Kabarata Dugsiyada Sare Ee Gobolka Togdheer   Waxana Uu Ubalan Qaaday Ka Degmo Ahaan Ay La Shaqayn Donaan Oo Ay La Gasrab Istaagi Donaan Maal Iyo Naf Waxana Hadaladiisi Ka Mid Ahaa Sida Tan

“Daladani Manta Lamayay Ee Ardayda Dugsiyada Sare Ee Gobolka Togdheer  Dallada Halkan Lagu Samaynayo Halkan Waa Uga Mahad Celinaya Cida Soo Qabanqaabisay Iyo Ardayda Maskaxdooba Ka Timi Waan Leenahay Waa Hormar La Gaadhay Oo Hgore Loo Qaaday Aad Iyo Aad Ayaan Ugu Farxsanahay Ee Waxi Aad Dhankayaga Aad Uga Bahataana Diyaarbaanu Idin Nahay Talo Iyo Hormarba Waa Inta La Isku Soo Kordhiyo”

Si Kastaba Ahaate Daladani Cusub Ee Maanta Lagu Dahfuray Magalada Burco Oo La Magac Baxay BSSU Ayaa Qayb Wayn Ka  Qaadan Doonta Is Dhexgalka Iyo Isku Soo Dhawaanshaha Ardayda Kale Gadisan Ee Wax Ka Barta Dugsiyada Sare Ee Gobolka Togdheer .

cabdiqani jama ahmed (ilkacase)

suradnews.com

Office/burco

raygal55@gmail.com

vlcsnap-2015-06-04-05h00m24s128 vlcsnap-2015-06-04-05h00m38s5 vlcsnap-2015-06-04-05h01m44s161 vlcsnap-2015-06-04-05h02m05s110 vlcsnap-2015-06-04-05h02m23s34

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here