Munaasibad Lagu Xusayay Mowliidka Nabiga (CSW) Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

0
723

Hargeysa (Somalilandtoday) Waxaa shalay guud ahaana caalamka islaamka looga dabaal dagay munaasabada xuska dhalashada sanad guurada 1492 ee Nabi Muxamed (NNKH) ee 12ka bisha mowlid oo ah sanadka hijirada 1439, taasi oo guud ahaanba dalkeena Somaliland iyo deegaankaba siwayn looga xusayo gaar ahaana caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Munaasabad lagu maamusayay xuska dhalashada Nabigeena Muxamad N.N.K.H ayaa shalay lagu qabtay huteel maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasabadda ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

 

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf yaasiin ayaa ka soo jeediya khudbad dheer oo ku qotonta ahmiyada ay leedatay xusitaanka dhalashada Nabi Muxamed NNKH “waa maalin la xusayo mawliidkii nabiga, Illahay waxa uu yidhi digrigaaga ayaan kor u qaaday, ninka aad jeceshaya ayaad xustaa aniguna nabigeenii Illahay soo diray ayay xusaynaa oo aynu xusaynaa ilaa inta ay suurto ka dhacayso” ayuu Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf yaasiin.

 

 

Waxaa kale oo ka hadlay ahmiyada ay maalintani u leedatay guud ahaanba caalamka islaamka Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle wuxuuna si qoto dheer uga waramay iftiinta iyo nolosha macaan ee diinta islaamka taariikhtii macaanayd ee noloshii Nabigeena NNKH waxaanu yidhi “nabiga Muxamed (SCW) wuxuu yidhi ninkii ammaanayay ee mahdigii weynaa Muxamed (Illah-baa maqaamkaaga sheegoo, magacaaga koriyoo, magciisa kugu ladhay, maxaa hadhay ammaanee Mustafow idhaahdaa) Rasuulka Muxamed ah (SCW) yacni gabaygaa yar ee kooban waa xigmad weyn oo laga soo minguuriyay waxa laga yaabaa in aanu maqalba xadiiska ninka gabaygaa tirinaya, Malakul Jibriil ayaa maalin ku soo degay nabigeen (CSW) waxa uu ku yidhi yaa Rasuulkii Allahayow Illahay wuu ku soo salaamayay waxaanu ku yidhi Illahay waxa uu digrigaaga kor ugu qaaday Rasuukii Illahay ma ogtahay, Allahay ayaa og ayuu yidhi nabi Muxamed ee anigu ma ogi Illahay wuu ku soo salaamayay waxaanu ku yidhi waxa aan digrigaaga kor ugu qaaday nabi Allow in aan magacayga la soo qaadin magacaaga oo la socda mooyaane, Laa Illaha Illallahu Muhammad Rasulullah meelna ku kala hadhi weyday” ayuu Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Xildhibbaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here