Munaasibad Lagu Shaacinaayo Furitaanka Safaarad Ay Dawlada Jabuuti Ka Furatey Somaliland Oo Lagu Qabtey Hargeysa Iyo Madax Kala Duwan Oo Ka Qeyb Gashay +(Sawiro)

0
162

Hargeysa(SDN)waxaaa maanta hotel Crown ee magaalada Hargeysa  lagu qabtey munaasibad  lagu shaacinaayo  safaarad ay dawlada Jauuti ka furatey  dalka Somaliland

23

Munaasibadan  shaacinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay  gudoomiyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland , wasiiiro , xildhibaano , ganacsato , haween iyo dhalinyaro

1

Ugu horeyn waxaa  hadalka iska dabo marey  gudoomiyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland Faysal Cali Waraabe , Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Ciro waxaana ay dhamaantood sheegen in ay soo dhaweynayaan safaradan ay dawlada Jabuuti ka furatey Somaliland isla markaana ay  tahay mid baahi loo qabay

2

Sidoo kale waxaa iyaguna madasha Ka hadley ganacsato ay ka mid yahiin  Cumar Ceydiid Iyo Jaamac Oomar waxaaana ay xusen in ay ku faraxsan yahiin safaradan ay maanta dawlada jabuuti ka furatey Somaliland isla markaana baahi weyn loo qabay

3

Gabo gabadii waxaa madasha hadlo kooban ka yidhi wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali shire waxaana  uu ka waramey ahmiyada ay safaradan ku leedahay qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland isla  markaana waxaa uu banaanka soo dhigay  in ay somaliland u tahay guul dhinca dublaamasiyada ah isagoona u mahad celiyey madaxweynaha dalka Jabuuti oo go,aansadey in uu safaradan ka furo Somaliland

4

Ugu danbeyn waxaa halkaasi ka  hadley safiirka loo soo magacaabay safarada ay dalka Jabuuti ka furtay Somaliland Muddane Xussen Cumar  Kawaaleeye  waxaaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in loo soo magacaabo safirka Somaliland ee dalka Jabuut isla markaana Somaliland ay tahay wadan ay in  badan wada shaqey yeesheen markii uu ahaa gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Jabuuti

7
5
6
8
910111213141516171819202122

24

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here