Muhaajiriinta Suuriyaanka ah ee ku dhamaaneysa xeebaha Giriiga oo sii kordheysa

0
128

Waxaa sii kordhaaya dadka Suuriyaanka ah ee ku dhamaanaya biyaha u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga.

Warbaahinta Caalamka ayaa soo bandhigtay Meydad dhowr ah kuwaasi oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa 16 oo kamid ahaa Muhaajiriinta Turkiyaanka ah ee ku safreysay Biyaha u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Dad farabadan oo la socday Dooni nooca dalxiiska ah oo ka ambabaxday Turkiga ayaa mar kale ku degtay Biyaha waxaana halkaasi sidaa ugu dhintay ilaa 16-ruux.

Warbaahinta caalamka waxa ay sheegtay in Dadka ku dhintey doontan ay ka mid ahayen lix carruur ah oo afar ka mid ah ay da’adoodu aad u yar tahay, waxayna degtey doontan iyadoo aan ka fogeyn Jasiirada Griiga ee Samos.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayaa 22 ruux oo ay 17 kamid ah ahaayeen carruur doonaysay in ay u gudbaan dalka Giriiga waxa ay qararmeen biyaha badda kadib markii doonti ay saarnaayeen ay degtey.



 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here