Muhaajiriinta Galaya Yurub Oo Bilaabay Farsamooyin Aad Loola Yaabay !!!

0
117

Dadka Muhaajiriinta ah ee doonaya in ay galaan wadamada Yurub ayaa bilaabay kaartooyin cusub ay ku doonayaan in ay ku galaan qaar kamid ah Wadamada Yurub , si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanta mida ay dalalkooda ku heesteen.

Muqalasiinta dadka tahriibiya ee kunool dalka Maroko ayaa bilaabay farsamooyin layaab leh ay ku doonayaan in dadka muhaajiriinta ah ku galiyaan dalka Spain, waxa ayna dadkaasi ku qariyaan qeybo kamid ah gaariga ay wataan.

Ciidamada Spain ayaa maalmo kahor xadka Moroko iyo Spain waxa ay ku qabteen gaari lagu soo qariyay nin Tahriibe ah, ninkan ayaa lasoo galiyay gaariga qeybta Kiristaalaha halkaas oo la jiifiyay kadibna lagu qariyay.

Waxaa horey Ciidamada Spain sidan oo kale u fashiliyeen una qabteen dad Tahriibayaal ah oo sidan oo kale qeybo aan la arki karin oo gaariga kamid ah loogu soo qariyay iyo dad kale oo iyana boorsooyin lagu xiray.



 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here