Mudaharaad Lagaga Soo Jeedeo Xadhiga Boqor Buur-madow Oo Ka Dhacay Ceel-Afwayne

0
552

Burco (SDN)Waxaa goor dhaweyd magaalada Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag ka dhacay mudaharaad ay sameyeen qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool kaas oo ay kaga soo hor jeedaan xadhiga ay xukuumada Somaliland u geystey Boqor Buurmadow .

Dadkan ayaa sheegay in ay aad uga xun yahiin xadhiga boqor Buurmadow isla markaana ay ku baaqayaan in si deg deg xoriyadiisii loogu soo celiyo

 

Deeganka Ceel Afweyn waxaa ka soo jeeda Boqor Buurmadow oo habeenkii xalay aheyd ay ciidamada Boolisku xidheen .

Ciidamada Booliska ayaa kala dareeriyey dadkii mudaharaadka dhigayaayey isla markaana waxaa shabakada Ilaysnews.com loo sheegay in iminka ay degan tahay xaalada magaalada Ceel Afweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here