Mooshin Xilka lagaga qaadaayo maayirka Hargaysa oo ka dhex Dilaacay Golaha Deegaanka Caasimada

0
149

Hargaysa(SDN).Xarunta dawlada hoose ee Hargaysa ayaa waxa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogan oo uu sababay mooshin ay dabada ka riixayso Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland iyo Xildhibaano aan taabacsaneyn Maayirka Caasimada ee hada Xilka Haya mr:Soolteeko,kuwaas oo hada wada mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayir Soolteeko, oo mudooyinkii u dambeeyay ay soo badanaysay dadka riyadka ah ee ka cabanaaya iyada oo lagu eedeeyay inuu ku kacay Musuq iyo xil gudasho la,aan baahsan oo hadhaysay xafiiskiisa iyo guud ahaan shaqada Dawlada Hoose,ee Hargaysa.

 

Mooshinkan oo la filaayo in mudayaasha Caasimada la Horkeeno fadhiyadooda soo socda ayaa waxa riixaysa oo soo abaabushay wasaarada arimaha Gudaha khaasatan wasiirka u qaabilsan xidhiidhka degmooyinka iyo golayaasha deegaanka iyada oo ay saxeexeen tiro Xildhibaano ah oo lagu qiyaasay ilaa 14 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Caasimada, kuwaas oo uu ugu horeeyo maayir ku xigeenka caasimada mr:C/Casiis cagaweyne islamarkaana ay ka mid yahiin Xil:Cismaan waxar Xil:C/Risaaq Qawdhan iyo Xil:Saleebaan Dogax Xildhibanadan ayaa ah kuwa safka hore kaga jira mooshinkan iyaga oo sheegay in ay gacan ka haystaan wasaarada arimaha Gudaha Somaliland, gaar ahaan wasiir waran cade oo xildhibaanada u sheegay in isaga ay ku badatay cabashada dadka ka cabanaaya maayirka Caasimada Hargaysa,siiba kuwa ka cabanaaya laalusha ,arimaha dhulka iyo xil gudasho la,aanta maayir soolteeko.

 

Islamarkaana uu go,aansaday in xilka laga qaado arintana ayaa ku soo beegmaysa iyada oo uu Wiil yari ku dhintay shan kalana ku dhaawacmeen Amar uu bixiyay maayirka Caasimadu kaas oo ku bixiyay dhul ay isku haystaan Mujaahid Axmed maxamed Xasan Jabaan(Awoowo) iyo Qoys uu maayirku ka cunay lacag islamarkaan uu siiyay dhulka dilku ka dhacay arintan oo wali taagan islamarkaana aan xal laga gadhin murakeeda ayaa waxa la sheegay in kiisku iskugu biyo shubtay maayir Soolteeko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here