Mooganaanta Somaliland Iyo Masuulkii Hore Uga Tirsana Oo Maanta Loo Dhaariyey Xilka Gudoomiyaha Sarre Ee Somaliya

0
157

Hargeysa(SDN) yada oo maanta uun xilka laga xayuubiyey guddoomiyihii hore ee maxkamada sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf,ayaa waxa isla maanta loo dhaariyey guddoomiyaha cusub xilkaasi.

Xaflad lagu dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare ee dalk Soomaaliya Dr Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galey madaxweyne Xassan Sheekh,Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madashaasi hadallo kooban ka jeediyey ayaa ugu baaqey dhammaan hay’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

Geesta kale Garyaqaan Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaan illaa hadda ka hadal xilka xayuubinta lagu sameeyey.

1 2 3 4 5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here