Mo Farah oo maanta mar kale ku guuleestay Bilad Dahab ah (Daawo Sawirada)

0
171

Oradyahanka asalkiisu Soomaaliga yahay ee Heesta dhalashada dalka Britain ee Mo Farah ayaa mar kale ku guuleestay bilada dahabka ,kadib markii uu maanta guul ka gaaray Ororka 5,000m tartanka kasocda Magaalada Beijing ee Caasimada China.

Mo Farah ayaa tartankan ku guuleestay kadib markii uu noqday qofkii ugu orodka dheeraa , waxa uuna ku orday 13-daqiiqo 59-ilbiriqsi , waxa ayna guushan noqoneysaa tiisii labaad, isagoona maalmo kahor ku guuleestay tartanka 10,000m.

Oradyahnka Mo Farah ayaa wacdaro ka dhigay tartanka kasocda Dalka China , waxa uuna halkaasi ka qaatay labo bilad oo dahab ah, waxa uuna guushan oo kale gaaray tartankii Olombikada ee ka dhacay Magaalada London sannadii 2012-ka iyo 2013-ka.

Biladan dahabka ah uu maanta helay Ordayhanka matalay Dalka Britain ee Mo Farah ayaa noqoneysa biladiisii 7-aad uu ka helo tartamo caalami ah, waxa uuna Mo muujiyay markii maanta guuleestay dareen farxadeed.






 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here