Miyaan ajanabi u baahnahay?: w/q jibriil jirde abdi

0
198

Waqtigu waa duhur xilliga socodka iyo dhaqdhaqaaqu yaraadaan, ee dumarka iyo ciyaalku seexdaan , raga iyo qaar ka mida dhalinyaraduna ay u holadaan sidii ay merfishka u fadhiisan lahaayeen ee ay cagaha u fidsan lahaayeen yaab! Bulsh aamintay in haday waqtigaa gaadho aan wax shaqo ah la qabanin, laakiin cakiskeeda

waxaan la kulmay oo arkay rag ajaanib ah oo ka shaqaynaya qaar ka mida dhismayaasha

wadnaha magaalada hargeysa, waxaa markiiba maskaxdaydu isweydiisay .Ragani ma

bini`aadam baanay ahayn ? miyay idinka xoog badan yihiin? Miyay idinka karti badan yihiin?

Miyay waalan yihiin? Bal adba!

Aniga oo su`aalahaas iyo qaar kale oo badan igu dhex meeraysanayaan ayay hadana

maskaxdaydu isku qancisay in dadweynaheenu aanay aqoon u lahayn waxa ay qabanayaan.

Wayahay ee ma sidaa ayaynu waligeen ugu baahnaynaa maskax iyo muruq shisheeye, ma sidaa

ayaynu u fadhiyi doonaa una daawan doonaa shisheeyaha, miyaynaan baraarugayn? ALLAW _

SAHAL!

24thbishii September sanadkii 1994_kii ALLE HA U NAXARIISTEE madaxweynahii hore ee

jamhuuriyada Somaliland M.X.I.CIGAAL sawkii lahaa : manta waxaa aduunka ka jira gumeysi

cusub oo lagu badalay kii hore, kuna saleysan in dadka ama dalalka soo koraya, la dhacsiiyo

in aanay gaalada la`aantood waxba qabsan karayn, oo meelahaasi iska fadhiyaan, si rodolka

bariiska ah uun loo siiyo, taasi waxba kama jiraan waxna weynu qabsan kareynaa.

Si aynu wax u qabsano una gaadhno meeqaamka aynu hiigsanayno waa inaynu heeryada

dadban ee gumeysiga iska hagoognaa oo hiyiga ku haynaa hagardaamooyinkooda si aynu u

fulino hindisihii halyeyadeena.

Waxaynu ku gaadhi karnaa arimahaas aynu kor ku soo sheegnay ugana bixi karnaa

dhibaatooyina shisheeyuhu inagu hayaan inagoo ku toosnaana oo raacna hadaladii dhaxal galka

ahaa ee hogaamiye CIGAAL alle ha u naxariistee kuna ladhna soo jeed iyo firfircooni aan loo

kala hadhin dhamaan shacabka Somaliland taas oo inoo horseedi doonta hilinka haboon ee

hayaankeena iyo ka gudbitaanka waxqabadka kiisa aan la mahadin ee shisheeyaha . ileen runi

waxay tahay shisheeye u baahnine. Xaasha! Uma baahnine yaynaan is hafrin.

WAXAAN KA SOO XIGTAY HADALKA MADAXWYNE CIGAAL(AHU) : BUUGA MOHED FARAH QOTI

,DHAXALKII_GOBONIMADA ,DAABACAADII KOOWAAD,JULY2013,P40.

W/Q : JIBRIL JIRDE ABDI

EMAIL: JIRDE40@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here