Militariga Turkiga Oo Gudaha U Galay Ciraaq

0
161

Istanbul(SDN)Miltariga Turkiga ayaa dhinaca dhulka ku galay waqooyiga Ciraaq Salaasadii shalay, waana markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2011kii, iyagoo fulinaya howlgal ay saraakiisha Turkigu ku tilmaameen, howlgal muddo kooban soconaya oo ay ku ugaadhsanayaan falaagada Kurdiyiinta ee PKK.

 

Turkiga ayaa ku eedeeyay falaagadan inay ka dambeysay weeraro bambaanooyin wadada dhinaceeda la dhigay loo adeegsaday oo Axaddii iyo salaasadii shalay ay ku dhinteen 16 ka mid ah milatariga dalkaas iyo 14 boolis ah

 

Iyagoo aan faahfaahin badan bixin ayaa saraakiisha Turkigu waxey sheegeen in ciidamadoodu ay gudaha u galeen Ciraaq iyagoo baacsanaya xubno ka tirsan xisbigan oo Turkiga laga mamnuucay.

 

Jabhadda PKK ayaa dagaal kula jirtay Turkiga tan iyo sanadkii 1984tii, waxaana colaadda labada dhinac ku dhintay tan iyo markaa -dad lagu qiyaasayo 40 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here