Milatariga Ciraaq Ee Weerarka Ku Qaaday Mosul

0
133

Ciidamada Milatariga Dowlada Ciraaq iyo Maleeshiyaadka ku taageeraya duulaanka lagu qaaday Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ee Mosul ayaa bilaabay in ay xirtaan qalab ay isaga difaacayaan sunta warshad baaruudda sameysa oo ay qarxiyeen Kooxda Daacish.

Warshadan ay qarxiyeen Kooxda Daacish ayaa aheed Warshad kiimikada sameysa waxaana qiica kasoo baxaya Warshadaasi ay saameyn badan ku yeelatay duulaanka Ciidamada huwanta ah ku qaadeen magaalada Mosul.

Kooxda Daacish ayaa ugu tala gashay Sunta qiiceeda oo u baxaya dhinaca ay kasoo duulaan tageen Ciidamada Milatariga Ciraaq, waxa ayna rabaan in suntaasi ay waxyeelo gaarsiiso ciidanka Weerarka kusoo ah .

Qiiqa suntan ayaa u baxaya Deegaanka Qayarah oo marin muhiim u ah ciidamada Huwanta ah ee duullaanka ku ah magaalada Mosul, oo ah meesha ay ugu xoogga badan yihiin kooxda Islaamiyiinta ee daacish.

 

Baaruuda waa sun saameyn karta qofka marka sanka ay ka gasho ama ay gaarto maqaarka ama indhaha ay gaarto sida ay sheegtay waaxda Caafimaadka England, waxaana la sheegay in suntan marka neefta qofka ay raacdo in ay keeneyso cun-cun dhuunta iyo sanka ah, Lalabo, Matag, calool xanuun iyo inay dhibaato u geysato sambabada.

Waxa ay sidoo kale suntan ay waxyeelo xoogan gaarsiisaa jirka dadka gaar ahaan dhanka maqaarka, waxay sababtaa cun-cun, midabka oo is bedela, iyo finan jirka oo dhan kasoo baxa, Suntan ayaa sidoo kale Indhaha hadii ay gaarto sababi karta Indho la’aan.

 
Milatariga Ciraaq iyo Ciidamada Mlaeeshiyaadka ee dagaalka ku wehliya ayaa si aysan u saameyn suntan waxa ay bilaabeen in ay xirtaan qalab ay wajiga gasanayaan si ay uga hortagaan in ay waxyeelo kasoo gaarto suntaasi ayna saameyso Duulaanka ay ku qaadeen Mosul.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here