Mid kamid ah Musharaxiinta Madaxtinimo ee dalka Uganda oo la xiray

0
164

Ciidamada booliiska dalka Uganda ayaa maanta oo isniin ah waxa ay magaalada Kampala ku xireen mid kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee doorashada Madaxtinimo ee ka dhaceysa Dalkaasi.

Kizza Besigye, oo kamid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee la tartamaya Madaxweynaha dalka Uganda ayaa la xiray kadib markii ay ciidamada booliiska ku eedeeyeen in uu ka dhago adeegay amar kasoo baxay booliiska oo ahaa in uu wadooyinka ka yareeyo Mashquulka badan.

 

Musharaxa Madaxweyne ayaa la xiray xili uu marayay mid kamid ah Wadooyinka magaalada Kampala, waxaana xiligaasi hareer socday qaar badan oo kamid ah taageerayaashiisa oo mashquul badan ka dhigay wadooyinka Kampala.

Ciidamada booliiska ayaa sunta dadka ilmada ka keenta u adeegsaday taageerayaasha Musharaxan oo ka hor yimid in la xiro, waxa ayna ugu dambeyn ciidamada booliiska ay goobta ka kaxeesteen ayna xireen Musharax Kizza Besigye.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in xabsiga looga sii daayo musharaxa madaxweyne ee dalka Uganda , waxa ayna Dowlada sheegtay in la baarayo sababta keentay xariga musharaxa si deg deg ahna xabsiga looga sii deynayo.







 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here