Mid Kamid Ah Haldoorkii Dhaqanka Somaliland Ugu Mudnaa Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
198

Hargeisa(SDN)Alla ha u raxmadee Suldaan Maxamed Xasan Ibraahin ,ahaana Ganacsade weyn oo lahaa meherado badan oo ganacsi ,Ahaana Mid ka mid ah mulkiilayaasha Shirkada Telesom ayaa Goor-dhaweyd Abaara 4:20 Am ku geeriyoodey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

 

 

Sida Xogguhu sheegayaan Suldaan maxamed ayaa ilaa shalay xanuun darani haleelay, aakhirkiina u Cusbitaalka loo dhigay halkaasna ku geeriyoodey.

 

 

Bahda Somalilandtomorrow.Com

 

 

Waxaanu tacsi tiiranyo leh u diraynaa Qoyska,Qaraabada,Saaxiibada iyo Ehelka Suldaan Maxamed Xasan Ibraahin,ilaahayna Waxaan uga baryeynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo ,Eheladii uu ka baxayna Samir iyo imaan saadiqa ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here