Mid kamid Ah Dowladaha Ugu Awooda Badan Yurub Oo Ciidamo Usoo Direysa Somalia

0
137

Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo gaar ah ay usoo direyso dalka Soomaaliya, ciidamadan ayaa tababar siin doona ciidamada dowlada Soomaaliya loo tababarayo.

War kasoo baxay dowlada Britain ayaa lagu sheegay in ay ka go;’an tahay taageerida ciidanka dowlada Soomaaliya, waxaana ciidankan Britain usoo direyso Soomaaliya ay yihiin tababaraal heer sare ah.

 

Ciidamo tiro kooban oo ka socday dowlada Britain ayaa horey usoo gaaray Soomaaliya kuwaa oo tababaro siinayay ciidamada Xooga Soomaaliya ee lagu tababaro xeryo kuyaala gudaha Soomaaliya.

 

Dowlada Britain ayaa kamid ah dowladaha taageera dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana bisha May ee soo socota lagu wadaa in magaalada London lagu qabto shir looga hadlayo arimaha Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here