Meydka Lucy Kibaki oo laga soo dajiyay magaalada Nairobi

0
107

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi, laga soo dajiyay meydka Lucy Kibaki , oo aheed marwada Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Muwai Kibaki.

Meydka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin katirsan Dowlada, Siyaasiyiin, iyo dad kale oo ehel iyo saaxiib lahaa Qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay in calanka dalkaasi hoos loo dhigayo mudo sadax maalin ah si baroordiiq loogu sameeyo marwada Madaxweynihii hore ee dalka Kenya.

Lucy Kibaki , ayaa ku geeriyootay Isbitaal kuyaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska halkaas oo loogu qaaday daaweyn, waxa ayna haweeneydan ay caan ka aheed dalka Kenya, iyadoona siyaasadeeda uu ahaa mid aad u kulul intii uu Kibaki Madaxweyne ahaa.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here