“Meydhaanka Astaanta Miyuusigga Wararka(Xukuumad aan Xakame iyo Xeerba qaban)Boobe Yuusuf

0
224

“Feedhaha xidhiidhsamay lafahan, xuubku ka idlaaday,

Jidhkaygii xariirta u ekaa, xaaluf quruxdiiye,

Hadduun baan xaraarugay sidii, xamil-gab awryaale,

Xafta waxaydin ii laba-listaan, xooxda lay maalye,

Cidluun baan xayuugnahay sidii, xuunshadii Gubane,

Waxba yaanu xeerkay I marin, xoolana I siinne,

Xaasha e’ nin libin kaa xistiyay, xumihi waa yaabe,”

 

Maansada, Abaal-laawe, Salaan Maxamed Xirsi (Salaan-carabey)

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmai.com, www.dharaaro.com,

 

Qormadii: 2aad

 

Hargeysa, 18/1/2015ka,

 

Waxa codeeyay oo ku faro-yaraystay macallinkii, horseedkii, foolaadkii miyuusigga Soomaaliyeed, Al-Ustaad Maxamed Siciid Faarax oo loo yaqaannay Gu’-roon-jire, sida uu ii sheegay Xaaji Basbaas mar aan taariikhdii heestaas ka wareysanayay. Dadkii tumay waxa ka mid ahaa Macallinkii kale ee Cali Feyruus.

 

Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas), ayaan barqadii 13/1/2015ka, kula kulmay makhaayad yar oo uu aroortii ka quraacdo oo ku taal meel heegada koonfur kaga beegan. Macallin Basbaas, waxaan weydiiyay in uu maqlay in Miyuusiggiisii Idaacadda laga joojiyay iyo in kale, waxaanu iigu jawaabay:

 

“……Aad ayaan uga xumaaday markii aan maqlay in Miyuusiggaas la joojiyay. Xalay waan ka seexan waayay. Markii aanu heestan iyo Miyuusiggan samaynay Xamarba ma ay jirin oo cidina ma hadal-hayn. Laba dal ayaynu kala ahayn oo is-maba aynaan raacin.”

Hal-abuur, jilaa, maadeeye, Xaaji Basbaas wuxu intaa iigu daray in aanu wixii hawlo faneed ahaa ee uu curiyay wax manfac ah ka helin, bal se Miyuusiggan laga joojiyay Radio Hargeysa uu magac iyo maamuusba ku qabay.

 

Midina waa goortii iyo halkii lagu curiyay:

 

Heestan iyo Miyuusigga laga soo dheegtayba, waxa la curiyay bishii Juun, 1960kii, waxaanay ka mid ahayd heesihii lagu muuneeyay laguna marriimay calanka, habeenkii Beerta xorriyadda laga taagayay 25kii bishii Juun 1960kii. Waxay ka mid ahayd heesihii habeenkaa aawanaa ee madashaa gobeed laga qaaday, sida aan ka soo xigtay jilaaga weyn, hal-aabuurka caanka ah ee Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas) oo aan 13kii Jeeniweri 2015ka, ku wareystay makhaayad yar oo uu aroortii ka quraacdo.

 

Midina waa intii la adeegsanayay iyo ciddii adeegsanaysay:

 

Markiiba Miyuusigga heestaas waxa loo adeegsaday in uu ku soo galo warka Radio Hargeysa. 1/7/1960kiina waxa la xaqiijiyay is-raacii labadii gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysanayeen iyada oo ay halkaas ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hadda arrintu yaanay idiin dagan. Ma ay ahayn midnimo bal se waxay dhacdadaasi ku suntanayd Is-raac ama Isku-dar oo midnimada waxa lala sugayay marka ay shanta Soomaaliyeed ee xiddigta cad ku sharraxneyd isu timaaddo. Waa su’aalihii da’da weynaa ee uu is-weydiin jiray hal-abuurkii caanka ahaa ee Cabdi Iidaan Faarax, beryihii uu Shiinleydii ku lahaa:

 

“Shan Soomaali ah oo wada socda, oo calanka ku sheekaysta,

Shimmaa la arkayaa waa su’aal, sharad ka yaallaaye,”

 

27/6/1960kii shan xubnood oo ka mid ahaa fannaaniintii Walaalo Hargeysa ayaa baabuur Land Rover ah ka raacay Hargeysa si ay 1/7/1960kii uga heesaan Xamar oo looga dabbaal-degayay madax-bannaanidii gobolladii koonfureed iyo is-raacii labada gobol. Munaasibaddaas laba-dhudoodka ahayd, caddaysimo ayay noqon lahayd haddii aanay walaalo Hargeysa heesahoodii ka qaadeen . Sheekadaana waxa ii mariyay, habar-wadaaggay Axmed Cali Haaruun (Dararamle) oo ka mid fannaaniintaa shanta ahayd.

 

Markii la is-raacay ee la sameeyay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxay magaalo-madaxdii dalku noqotay Muqdisho oo uu ku yaallay Radio Muqdisho oo aad uga yaraa ugana dambeeyay Radio Hargeysa. Waxa laga dhigay Hargeysa magaalo-madaxda gobollada Woqooyi, iyada oo markii dambena noqotay Xarunta Gobolka Woqooyi-galbeed. Idaacaddii afka rasmiga ah ee Xukuumaddii markaa dalka ka talinaysay, waxa laga dhigay Radio Muqdisho. Sidaas ayuu Miyusiggaasi ku tegay magaalada Muqdisho oo uu adeegsaday Radio Muqdisho. Sidii ayaanu u adeegsadaa ilaa maantadaa aynu joogno.

 

Intii aan jiray ama noolaaba weligayba sida dadka intiisa badan, Miyuusiggaas ayaan maqli jiray oo wararka Idaacadaha lagu furayo. Mar keliya ayaan fursad u helay in aan heestaas oo la qaadayo dhegaysto, weliba iyada oo cuud ama kaman lagu tumayo. Waa sannadihii dul-saarka ahaa ee lagu jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Waa kooxdii fanka ee SNM ee saldhiggedu ahaa Af-meerka Axan-weyne iyo Xeradii Qaxootiga ee Kaam-abokor. Cuudka waxa tumayay Cabdinaasir Macallin Caydiid, waxaana ku luuqaynayay fannaankii weynaa, jilaagii, heesaagii Maxamed Yuusuf Cabdi, naxariistii Janno, Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Nasiib-wanaag ima ay seegin maalintaas in aan cajalad ku duubto, waxaanay ka mid tahay keydkayga cajaladaha.

 

Faallaynta dhowr astaamood oo Miyuusigga ah:

 

BBC-da waxa la furay 1957kii. Waa laanta Afka Soomaaliga oo mar lala furay afafka Sawaaxiliga oo Bariga Afrika lagaga hadlo iyo Xawsaha oo laga hadlo dalka Nigeria. Waxyaabaha Ingiriiska Idaacaddaas ku qasbay waxa ka mid ahaa Idaacad Afka Soomaaliga ku hadli jirtay oo Qaahira laga baahin jiray. Garo’ oo Ingiriisku waxaanu jeclaysan jirin barnaamajyadii gobannimo-doonka Naasiriga ah ahaa ee Idaacaddaa ka bixi jiray. Jamaal Cabdinaasir oo Masar Madaxweyne ka ahaa ayaa saamayn la yaab leh ku lahaa dalalka Carabta, Afrika iyo guud ahaanba dunida.

 

Radio Hargeysa oo 1941kii la furay ayaa hooyo u ahaa BBC-da oo barnaamajyo iyo weriyayaalba ku taakulayn jiray. Markii dambe, xataa Radio Hargeysa wuxu u noqday xarun dib u sii tebisa barnaamajyada BBC-da (Relay Station).

 

Beryahaas ayaa Radio Hargeysa laga soo dalbaday laba astaamood ama fure oo Miyuusig ah oo ay BBC-du ku soo gasho. Waxaan ka daawaday oo aan ka maqlay cajalad Video ah oo ahayd wareysi RTD-da Jabuuti ay ka qaadday Cabdillaahi Qarshe 1993kii, mar uu halkaa deggenaa isaga oo ku sii socday dalka Ingiriiska oo uu ku geeriyooday 1997kii.

 

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Meydhaanka-Astaanta-Miyuusigga-WararkaXukuumad-aan-Xakame-iyo-Xeerba-qabanBoobe-Yuusuf.html#sthash.CCW1jHo8.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here